
Waan Ooyayaa…!!! W/Q: Mohamed Hassan Daacad Qeybtii 3-aad.
ayaa waxay qaadeen ol-ole balaadhan oo ka dhan ah dadkaas
tartilmaameedka u ahaa.
Waxa si aan kala sooc lahayn Baabuurta astaanta Ciidamadda
Amaanka leh ka buuxiyeen tobonaan qof oo iskugu jira tuug,xabaglayaal,Ragg
xiska ka naafo ah,ama waalan iyo shaqasiyaad iska gidaar la-nool ahaa.waxaanay
balan ku qaadeen in aanu jiri doonin qof danbe oo xilayadda Habeenkii lagu arki
karo Suuqa dhexdiisa iyo meelaha ka ag -dhaw.marka laga reebo Ilaaladda
Meheraddaha Ganacsi ee ay Hantida badani dhex taalo.
Nasiib-darro waxaan ka mid noqday Dadkii ay Saamaynta taban
ku yeelatay talaabadaasi,waxaana dhacday in aniga iyo tobonaan qof oo kale lagu guray Baabuur waaweyn oo shabaqla-yaal
ah,taas oo ay intaas noo dheerayd hab-dhaqanka Ciidamadda hawl-galka fulinayay
oo noola dhaqmay sidii oo aanu nahay danbiilayaal muddo dheer baxsi ku jiray oo
hadda gacanta lagu dhigay.waxa naloo adeegsaday xoog xad dhaaf ah,waxaana lana
gaadhsiiyay jugo badan oo haddii baadhitaan Caafimaad lanagu samayn lahaa,lanoo
arki lahaa dad ku sugan Xaalad Caafimaad-daro oo khatar ah.
Qaar naga mid ah gacan baa jaban,qaar lug baa jaban,qaar-na
waxa soo gaadhay dhaawacyo kala duwan oo ay sabab u ahayd firxashadii ay
nafahooda kagala baxsanayeen gulufkan xoogan ee Xiligan saq-badhka ah lagu
miray.balse waxaas oo dhib ahi uma qudh-quudhsana dadkan nasoo qabtay iyo kuwan
lanoo keenayba.
Waxa Wakhti badan lana dhex wareejinayay Xaafadaha kala duwan
ee Magaaladdan aanu ku nool nahay,iyada qof kastaba la geeyay Saldhigiyo kala
duwan,isla markaana aad u kala durugsan.
Waxa layla xidhay koox Ragg ah,oo iskugu jira qaar waaweyn
iyo qaar Yar yar.waxa war war badani iga hayaa Xaaladdan kale ee ila soo
daristay.waxa maankaygu ileeyahay Suuqii aad Maalin-lahaaga kala soo baxaysay
iyo Habeenkii aad Cooshadda Yar iska seexanaysayna dan bay ahayde,hadda waxaad
soo gashay meel aan Cidina kuu ogayn inaad ku jirto,Cidina aanay aanay sidoo
kale kuu ogayn inaad tahay Qof aan danbi lahayn oo sabab la’aan jeelka loogu
soo tuuray.
Waxa dhaawac igaga yaalaa Wajigga,kaas oo iga soo gaadhay
meel aanu ku kufay aniga oo isku dayay
in aan raafka xoogan ee Suuqa ka jira aan uga baxsado goob gabaad iiga noqota.
Waxa intaas ii dheer jugo badan oo iskugu jira; haraati,feedh
iyo budhadh ay ila dhaceen koox askar ah oo I baacsanayay markaan ordaayay.
Waxa sawir ah kama haysto Xaaladda dhabta ah ee ka jirta
goobtan dhamaan aasaa-siyaadkii nolashu ay aadka u liitaan,aan ahayn goob ay
ilaa xad ka fogtahay inay nololi ka jiri karto,ama laguba fikiri karo inay
nolol sidan ah ku noolyihiin boqolaalkan Qof ee ay halkani mudooyinka badan ay
Hoygooda Rasmiga ah ahayd.
Dhaqanka meesha ka jiraa waxa uu yahay; waxii cunto ah ee loo
keeno Maxaabiista,waa mid Askari iyo maxbuusba loo simanyahay. Xattaa hadii wax
laguu keeno ma garan kartid ta laguu keenay,waayo Askariga meesha horjoogaha ka
ahi waxii uu daaqadaas kasoo fiiqo ama kasoo dhiibo waxa loo yahay
garbo-siman,mana jirto wax adiga ama isaga gaar u ahi.
Markaas ninkii aan cidina u maqnayn,ceelna u qodnayn farxad
iyo rayn-rayn ayuu iskaga jiraa,intasta oo ay Xoriyadiisii laal’antahay.
Waxa kale oo koox kasta oo Maxaabiis ah,isla markaana meel
kuwada xidhani isla wadaagayaan Sheekooyin iyo dhacdooyin wajiyo badan leh oo
ku aadan waxay dhab ahaan daaran tahay sababta ay halkani hoygooda u tahay
mudada dheer,waxii u kordhay intay
halkan joogeen iyo rajadda ay ka qabaan inuu Ilaahay mar uun goobtan ka
saaro,isla markaana ay dib u hantaan Xoriyadoodii.
Muddo dhawr sanno ah ayaan halkii (Jeelka) ku jiray,waxna aan
la qabay dadkaas (Maxaabiista kale) uu wakhtigu is-kaaya baday. Dhamaan kooxdan
meesha ku wada jirtaa si fiican ayay isku barteen,waxaana ay noqdeen sidii Qoys
kaliya oo meel ku wadanool. Waxa inta badan si weyn loo wada gor-feeyaa
haddiiba Ilaahay ka samata-bixiyo Jeelkan ay ku jiraan,waxa uga meel yaala
nolasha cusub ee ku soo fool leh iyo siday tahay in qof kastaaba uu u waajaho xaqiiqdaas hor
iman doonta.
Iyada oo sidaas xaal yahay,ayaa Maalin maalmaha ka mid ah
waxa Madaxdii horjoogayaasha ka ahaa Jeelka, kasoo yeedhay war Farax leh..!!
kaaas oo odhanaaya…
La Soco….
Fiigo Gaar Ah: Sheekaddani aniga iguma saabsana…!!!
Waan Ooyayaa…!!! W/Q: Mohamed Hassan Daacad Qeybtii 3-aad.
Ciidamaddii kala duwanaa ee ay Xukuumaddu usoo dirtay inay wax ka qabtaan waxyeeladda ay dadka iskugu jira tuugta iyo dabaajiirta kale ku hayaan goobaha Ganacsi ee Suuqan