Suuqa Kala Iibsiga: Moreno oo Liverpool katagaya si uu ugu biiro Real Madrid iyo Macalin Klopp oo qorshe lama filaan ah la damacsan yahay Goolhaye Mignolet

0
Wednesday December 02, 2015 - 11:34:45 in by ahmed mohamed
  • Visits: 989
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suuqa Kala Iibsiga: Moreno oo Liverpool katagaya si uu ugu biiro Real Madrid iyo Macalin Klopp oo qorshe lama filaan ah la damacsan yahay Goolhaye Mignolet

    Wakiilka daafaca bidix ee Kooxda Liverpool Alberto Moreno ayaa sheegay in ciyaaryahanka uu soo dhaweynayo hadii bisha January uu ku biirayo kooxda Real Madrid.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakiilka daafaca bidix ee Kooxda Liverpool Alberto Moreno ayaa sheegay in ciyaaryahanka uu soo dhaweynayo hadii bisha January uu ku biirayo kooxda Real Madrid.

Wakiilka daafaca bidix ee Kooxda Liverpool Alberto Moreno ayaa sheegay in ciyaaryahanka uu soo dhaweynayo hadii bisha January uu ku biirayo kooxda Real Madrid.

Ciyaaryahankan ayaa xili ciyaareedkaan si weyn loola xariirinayay kooxda Bernabeu ka dhisan, waxaana ay mar kale dalab ka gudbin doontaa bisha January si ay ugu xaliso dhibaatada daafaca bidix ka haysata.

Real Madrid ayaa dhibaato ay ka haysataa daafaca bidix, maadaama Marcelo uu dhaawac ku maqan yahay, macalin Benitez ayaana qorsheyanay inuu badalkiisa lasoo saxiixdo.

Inkastoo ciyaaryahanka uu ku qanacsan yahay kooxda ka dhisan Merseyside, ayaa hadana wakiilka Moreno oo lagu magacaabo Javier Moya waxaa uu sheegay in hadii ay wicitaan ka helaan Real Madrid ay aadi doonaan.

"Hadii Real Madrid ay dalab soo gudbiso aad ayuu uga farxdi doonaa ,” Wakiil Moya ayaa sidaas usheegay idaacada 4G, waxaana uu hadalkiisa ku daray"Laakiin Liverpool ayaa leh go’aanka lagu iibin karo”

"Hadii koox muhiim ah sida Real Madrid ay nala soo hadasho, markaas waa iney wadahadal la furtaa Liverpool”.

Dhanka kale kooxda kubada cagta ee Liverpool ayaa wadahal la geleysa goolhayaheeda Simon Mignolet si uu heshiis cusub usaxiixi.

Heshiiska goolhayaha Belgium-ka kasoo jeeda ayaa dhacaya sanadka2018, hase ahaatee macalin Jurgen Klopp ayaa doonaya in heshiiskaas la kordhiyo.

Mustaqbalka goolhaye Mignolet eeAnfield ayaa maalmihii lasoo dhaafay shaki la gelinayay kadib markii kooxda Reds ay udhaqaaqday saxiixa goolhayaha £20m ku qiimeysan ee Stoke Jack Butland iyo goolhayaha da’dayar ee kooxdaCologne Timo Horn.

 

Si kastaba, macalin Klopp ayaa sheegay in kooxdiisa ay ku kalsoon tahay goolhayahan isla markaana uu wax badan ka filayo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip