Bidaari Sibiq Bay Kugu Gashaaye Aan Ka Fiirsano Kiniisadaa Albaabada Loo Furayo

0
Tuesday August 01, 2017 - 13:16:49 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bidaari Sibiq Bay Kugu Gashaaye Aan Ka Fiirsano Kiniisadaa Albaabada Loo Furayo

    Waxa shacabka Somaaliland ay liqi kari layihiin wali jawaabtii uu bixiyey wasiir Khaliil ee uu ku tiraabay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa shacabka Somaaliland ay liqi kari layihiin wali jawaabtii uu bixiyey wasiir Khaliil ee uu ku tiraabay
wax aan loo fadhiyin iyada oo waliba su'aashaa lagu weydiiyey goob ilyartu is qabatay oo cilimadii uugu miisaan cuslaa qaranka iyo gayiga soomaaluduba ay fadhiyaan (masjid ru-sheeye) jawaabtaa uu wasiirku bixiyey waxa ay noqotay mid u muuqatay beer la -xawsi iyo af gobaadsi kadib markii uu u waayey jawaab kaafiya oo umdu ay ku qanacdo.
Kiniisada la furaayo ka sakow waxa nusqaan inagu ah in maanta caasimada dhexdeeda waliba goob fagaare ah ay habar nijaasi ahi ay tidhaa waxa aan ku guulaysanay si tabarucaad ah in aanu dib u furno kiniisada aanu ku cibaadaysano Hargeisa.
Jawaabta aad bixisay mudane wasiir may ahayn mid maanta lagaaga fadhiyey waxa lagaa sugaayey in aad gaashaanka u daruurto, waxii aad la timid waxa uu noqday fajac iyo af kala qaad.
"Intii.ay la dhuuman lahaayeen waxa aanu u ogalaanay in aan ku ogaano halkaa si ay uugu cibaadaystaan xaqna waa ay u leeyihiin waayo waa ahlu kitaab waaba aynu ka guursan karnaa"
Mudane Khaliil waxa aad tahay masuulkii uugu sareeyey ee arimaha diinta iyo shareecada ma waxa aad u hor-seedaysaa Hargaysi in ay noqoto hoyga masiixiga , guyga iyo libsanka,yaa damaanad qaadaya in ay noqonayso tiro aad u yar oo ah shaqaalaha ajaanibka ah ee inala jooga?
Waxa la helayaa Somaali fara badan oo ka ibtilowday horena u qaatay diinta masiixiga kadib markii ay ka baxeen diinta islaamka kuwaas oo ku nool degalo aan inaga fogayn tusaale ahaan Kiinya ayaaba laga soo helayaa, waxa ay leeyhiin baro bulsho oo ay ku xidhiidhaan kuna faafiyaan waxa ay u arkaan diinta ciise masiixiga ay haystaan ; lama gabadaan si dhab ahna waa ay u fidiyaan adna waad ka warhaysaa oo war kuguma seegna.
Suurogal waxa weeyi in ay yimaadaan halkan kuna xusaan maalinka debaal dega ciidooda kana dhigaan xaruun si balaadhan loogu xuso nijaas oo dhamina uu yimaad dhaqano aan hore u jirina ay inagu faafaan ileen xaq bay u leeyhiin oo adigaa u ogalaaday.
Dastuurkeena waxa ku xusan lama ogala diin aan ahayn diinta islaamka in ay ka shaqayso kana hir gasho dalka yaa damaanad qaadaya in aanay shido iyo fusuq inoola soo kordhayn.
Somaalidu waxa ay ku maahmaahdaa(bidaari sibiq bay kugu gashaa) waar albaabkaa shaydaanka ha inagu furina.
Waxa dood jaban ah in la yidhaa iyada oo loo qiil samaynaayo inaguba soo ta aan masaajido ka furano dhulka gaalada maxaa ku jaban tan in la furo?
Jawaabta meel fog ha ka eegin fiditaanka diinta islaamku waa waajib ina saaran ilaahayna waa uu inoo sikhrayaa ,halkan balad islaam in looga olaleeyo xaruumo ilaahay wax aan ahayn diintiisa lagu ogaa waa wax reeban.
Xukuumada talada haysaa maanta haddii ay idinka suuro gashay in aad dhegaha ka furaysataan dhawaaqa dheer ee culimada iyo diidmada shacabka haddii aad idinku iska dhago mariseen waxa ay
tahay sharci ahaan in aad ogalaataan in diin kale lagu caabudo Hargaysa, xaqalkiniisadeedna aad qaadateen waxa hada la idiinka sugaaba waa in aad ogalaataan ,fasaxdaana in in uu hirgalo dhaqanka reer galbeedku la wareegayaan ee ay inagu duleenayaa shilimaadka ee ah in raggu is guursado.
Shacabka waxa haboon in ay ka gilgishaan isna hortaagaan waxa hada socda.
Xukuumadana waxa aan odhan lahaa waar ilaahay ka cabsada wax soddon sano ka hor albaabadu u xidhmeen guumaysina inoo keenay maanta ha inagu furina , umadana ha fasahaadinina,wakhtiga idiin hadhay si asluub leh umada uugu adeega wax anfacana u soo kordhiya

Qalinkii :Maxamed Somaali
ababiye11@gmail.com
Hargeisa somaliland

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip