Ragga Ay Marooruhu Go'een Waa Masuul Qaran, Qalinkii:Maxamed Somaali

0
Tuesday August 01, 2017 - 13:36:15 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ragga Ay Marooruhu Go'een Waa Masuul Qaran, Qalinkii:Maxamed Somaali

    Alle ha u naxariistee Cabdilaahi Suldaan (Timo-cade) ayaa laga hayey ( Somaali musuqu waa u mehereadeed)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Alle ha u naxariistee Cabdilaahi Suldaan (Timo-cade) ayaa laga hayey ( Somaali musuqu waa u mehereadeed)
tani waxa ay inoo cadaynaysaa in dawladnimada Somaalida iyo musuqu ay wada dhasheen, bal waxa aad is barbar dhigtaa farqiga u dhaxeeye maalinkaa uu abwaanku sidaa ku tiraabay iyo hada oo aynu joogno.
Wax is daba-marinta iyo musuq-maasuq waxa ay noqotay meesha kaliya ee laga taajiro lagana fara qabsado mudo xileedka uu qofku xafiis joogo.
Dhaca , xatooyada,arxan darada lagu hayo cashuurta masaakiinta laga guraa waa ay hadh beeshay , nin kastaana afka ka buuxsay xisaabi waa ay danbaysaa aakhirana kayd leh.
Ayaan darada inagu habsatay masuul kasta oo xafiis loo dhiibaa mudo yar baa usku badalayaa, hankiisa iyo himiladiisu maaha sidii uu shacabka uugu shaqaun lahaa ,waxa uu ku fikirayaa sidii uu xoolo u urursan lahaa.
Eexda, qaraabo kiilku, nin jeclaysigu waxa uu inaga galay goob kasta iyo xafiis kasta , haddii aad dhugato laamaha dawliga ah waxa aad ogaanaysaa waxyaabo kaa dahsoonaa.
Masuulkasta oo xafiis ku qoran muddo cayiman ayaa uu fadhiistaa xafiiskiisa , haddii uu yimaadana saacado kooban ayaa uu fadhiistaa.
Waxa aad arkaysaa nin aad ogyd shalay waxa uu haystay isaga oo lix bilood joogay buu aqal cd , ama fooq ka dhex taagayaa badhtamaha magaalada goorma ayaa uu hantidaa shaqaystay?
Dhamaan waxa la iibiyey guryahii India lineka maxaa la inoogu badalay? guryo dawladeed baa sifo aan sharciga waafaqsanayn cid gaar ah loo.siiyey .
haamagii shidaalka ayaa ka wareejiyey , dekadii baan ogayn, waxaa iyo wax ciidaa ka badan.
Wadanku waxa uu leehay hanti-dhawre guud , xisaabiye guud, haayada la dagaalanka musuq-maasuqa wali ma la hayaa iyaga oo hawlahooda si hufan u gudanaya? wali ma la maqlay haayad heblaayo waa la baadhayaa oo hanti-dhawrkii baa ku jira? haayada la dagaalanka musuqu wali masuul qaran ma ku sooo oogtay xatooyo ?
Sida caadiga ah waa ay iska magacaaban yihiin haayadahani waxa iska caadi noqotay ku tagri falka xoolaha masaakiinta iyo halbeega maanta Somaaliland ka haqeeya ee qaatay ee adna qaado.
Boobka iyo dhaca xoolaha qaranku waxa ay ku jiraan faro baas , xiligani waliba waa xaasaasi waana wakhti ka guur ah oo ay kaabiga inagu soo hayaan doorashooyin.
Madax weynaha qaranku waxa uu soo saaray digniin in aan sifo sharciga baalmarsan aan loo isticmaalin hantida umada waxii baaqi ah.
Hadaba bulshada Somaliland ma ku baraarugsanyihiin xiligan kala guur ka ah mise waxa ay ku dhex asqoobeen sacabada iyo durbaabada nimanka soo socda ee kala riixanaya awooda qaranka.
Si loo hirgaliyo amarka uu madaxweynahu soo saaray waa in doorasha ka hor la sameyaa
1: Gudi qiimaysa haayad kasta oo dawladeed gantida taal iyo xisaab celinteeda.
2:Masuulka qaabilaan ladagaalanka musuq waa in uu il foojigan lahaadaa
3:Gudisa daba galka golaha wakiiladu waa in ay hawl galaan
4:Gudida doorashooyinku waa in ay ka warhayaan hantida qaranka
5: Masuuliyiinta gacanta ku hayaa waa in ay ilaahay kaga cabsadaan xilka ay umada u hayaan.
 
ababiye11@gmail.com
Qalinkii:Maxamed Somaali
ababiye11@gmail.com
1-8-2017 salaasa
 

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip