27 July 2010 illaa 27 July 2017ka: Waxyeelladii Xukuumadda Siilaanyo!

0
Tuesday August 01, 2017 - 14:21:43 in by free journalism
  • Visits: 468
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    27 July 2010 illaa 27 July 2017ka: Waxyeelladii Xukuumadda Siilaanyo!

    27 July 2010 illaa 27 July 2017ka: Waxyeelladii Xukuumadda Siilaanyo!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

27 July 2010 illaa 27 July 2017ka: Waxyeelladii Xukuumadda Siilaanyo!


Xagga waxqabadka waxa aynu ka sugaynnaa Md Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Ahna Af-hayeenka Xukuumadda Somaliland27ka Julaay 2017ka ayay Xukuumadda Siilaanyo u buuxsameenn toddoba gu’ oo gaw ahi. Wax badan oo is-beddel ah ayaa xilligaa dhacay: kuwo taban iyo kuwo toganba. Waxa aynu halkan ku soo qaadan doonnaa qaar ka mid waxyeellada lagu xasuusan doono nidaamka talada ka sii degaya ee lagu beddeli doono doorashada qorshaysan 13ka Nofember 2017ka haddii Eebbe idmo. Waxa ka mid ah:

  • Qabyaaladdii oo cirka isku shareertay
  • Sicir-barar xadhkaha goostay
  • Wasiirro ka awood badan wasiirrada kale
  • Xaraashkii dhulka danta guud
  • Iibinta Korontada
  • Raamsigii Haamaha Shidaalka
  • Xaqul-qalinka dekedda Berbera
  • Dulqaad-yaraan: Madaxweynihii saqda dhexe toosay
  • Cabudhinta iyo xadhigga saxaafadda
  • Ciidan RRU la dhaho oo sifo qaldan loo adeegsaday
  • Ku-shubashadii doorashada 2012ka
  • Xasuuqa dhallinyarada dalka: imisa qof ayaa gacanta booliska ku baxay?
  • Naas-nuujin iyo qandaraasyo gacan-bidixayn ah
  • Maamullo ka samaysay Gudaha Somaliland
  • Xasuuqii Kalshaale, Meygaagle, Hagoogane
  • Waxbarasho la yidhi waa bilaash oo ka qaalisan tii hore
  • Rejadii aqoonsi-raadinta oo god madaw ku dhacday
  • Meeqaamkii qaranka oo lala simay maamullo heer tuulo ah
  • Isku daygii khaarajinta saxaafadda sida Hubaal
  • Dawlad ay faraha kula jiraan xidid, xaawalay iyo xigaal
  • Baahidii biyaha oo la sii labanlaabay
  • Guryo malaayiin doollar laga siistay dibadaha
  • Xukuumad dhismaheeda loogu abaal-guday deegaanno gaar ah
  • Daabacaadda lacag qiime tirtay shilinkii Somaliland
  • Waxa xilka haya madaxweyne ku eedaysan xil-gudasho la’aan iyo ku-xigeen dudaya oo ay wasiirradu ka awood roon yihiin
  • Ganacsi aan xeerka waafaqsanayn oo ay galeen qoyska madaxweynuhu
  • Xisbiga talada hayaa waxa uu muujiyay in aanu u sinnayn beelaha Somaliland
  • Waxa markii kowaad la arkay xukuumad ku dhisan kooxaysi, xulafaysi iyo is-garbin.
  • Khayraadka dalka oo sifo sharci-darro ah loo dhoofiyo
  • Ma aragteen agaasime-waaxeedyo ka awood badan wasiirkii magacaabi lahaa ama eryi lahaa?
  • Somaliland waxa ay laba gego-diyaaradeed oo caalami ah. Mid ayaa Imaaraadka laga kireeyay iyada oo mudane kasta lagu laaluushay $10,000.
  • Isku dirka beelaha ood-wadaagta ah
  • Waxa ay sii kordhisay kala-faquuqa ummadda iyada oo samaysay xilal ku dhisan takoor iyo hayb-sooc.
  • Waxa weerarro gacan-ka-hadal ah lagu qaaday masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaridka, qaarkoodna rasaas ayaa lala beegsaday
  • Waxa gudaha Somaliland lagu qabtay shirar liddi ku ah qarannimada sida kii Taleex ka dhacay 2012kii ee lagu aasaasay Khaatumo State, xukuumadduna wax tallaabo ah kama ay qaadin
  • Wershaddii sibidhka ee Berbera waxa loo gacan-geliyay cid gaar ah
  • Waxa toban-jibbaar noqday shirbeeleedyada oo summad ah kala-tashiga bulshada.

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

saedmgahair@hotmail.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip