Arragti Si Cilmi ah u Sharxaysa Biyo-La'aanta "Water Scarcity" Q 1'aad

0
Tuesday August 01, 2017 - 15:25:41 in by free journalism
  • Visits: 593
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Arragti Si Cilmi ah u Sharxaysa Biyo-La'aanta "Water Scarcity" Q 1'aad

    Arragti Si Cilmi ah u Sharxaysa Biyo-La'aanta "Water Scarcity" Q 1'aad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arragti Si Cilmi ah u Sharxaysa Biyo-La'aanta "Water Scarcity" Q 1'aad

Biyo-la’aanta ama biyo-yarida, oo afka qalaad lagu yiraahdo "water scarcity” waa xaalada ilaha biyuhu aanay ku filnayn bulshada ( ) Waxaana asal u ah dhowr qodob oo kala duwan loona kala saari karo kuwo dabiici ah iyo kuwa aanan dabiici aheyn, (kuwo ay dadku sababaan iyo kuwo aysan dadku sababin waxna aysan ka qaban Karin
⦁ Qodobada Dabiiciga ah ee Sababa Biyo-yarida

Tirada roobka (rainfall) oo yar isla markaana uu badan yahay uumi-baxa biyaha (Evaporation), ayada oo ay sabab u tahay hawada kulul. Arrintani waa mid ku kooban waddamada ay hawadoodu kulushahay sida qaaradda Afrika inteeda badan, Bariga dhexe, qeybo Aasiya ka mid ah iyo Latin Amerika. Farqiga u dhexeeya roobkii da’ay iyo uumi-baxa, oo ah biyaha dib ugu noqonaya hawada, oo aad u yaraada waxa uu sababayaa in ay hoos u dhacaan biyihii soo hari lahaa. Roobkii oo aanan imaanin xiligii uu iman jiray, qasbana in abaar dhacdo (drought).

⦁ Qodobada aan dabiiciga aheyn ee sababa biyo-yarida

⦁ Tirada dadka oo kororta, sababtana in biyihii la heystay ay dadka oo dhan gaari waayaan. Tirada bani’aadanka ee sii badaneysa maalin walba waxa ay culeys u eysataa kheyraaadka biyaha, waxaana yaraaneysa tirada biyaha ee qof walba ku soo aadeysa. Qodobkani waa midka ugu culey ee xalka loo la’yahay.
⦁ Biyaha oo aan si habboon loo isticmaalin isla markaana aysan jirin hanaan siyaasadeed oo hufan oo biyaha lagu maamulo, tani waa dhibaato aad u weyn oo heysata waddamada ay biyo-la’aantu heysato intooda badan (poor management/lack of policy).

⦁ Ku-soo-qulqulka magaalooyinka (urbanisation) ayada oo laga soo tagayo miyiga, tani waxa ay sii kordhineysaa baahida biyaha ee magaalooyinka iyo shaqaale la’aan ku timaada dhul-beereedka iyo xoolo dhaqashada.

⦁ Jaridda iyo xaalufinta keymaha/dhirta (deforestation) si loo helo dhul-beereed ama dhuxul, arrintani oo qeyb weyn ka qaadata yarenta kheyraadka biyaha, waxay sababtaa degaanka oo xumaada (Environmental degradation), iyo nabaad-guur.

⦁ Isticmaalka kiimikada bacriminta (fertilizres) iyo sunta disha cayaanka beeraha (pesticides), si loo kordhiyo waxsoosaarka beeraha, biyaha wasaqda ah ee ka yimaada warshadaha iyo guryaha oo si toos ah loogu shubo webiyada iyo harooyinka (iyaga oo aan la nadiifinin).

Haweeneyda iswiidhishka ah ee caalamku u tixgeliyo in ay tahay qofta ugu aqoonta roon dhinaca cilmiga biyaha, Prof. Malin Falkenmark, ayaa waxbixin ay kol hore soo saartay si cad ugu qeexday macnaha loola jeedo Biyo-la’aan ama biyo-yari. Waxbixintaas waxay ku saleysan tahay qiyaas lagu cabbiri karo heerka biyo-la’aanta ee uu qaran ama dal yeelan karo. Qiyaastaas, oo loogu magac daray, Malin Water Scarcity Index, waxay sheegeysaa in haddii tirada biyaha wadan ee ku soo aadeysa qof walba oo waddankaas ku nool sanadkii ay la egtahay amaba ka yaraato 1700 m3 (1.7 milyan oo liitar) waxaa halkaas ka jirta biyo-la’aan (water scarcity). Haddii tiradaasi la egkaato ama ka hoos marto 1000 m3 (hal milyan oo liitar), waxaa markaas la oran karaa biyo-la’aan aad u daran ayaa halkaas (waddankaas) ka jirta (chronic water scarcity). Haddii tiradaasi gaarto amaba ka hoos marto 500 m3, waxaa markaas la oran karaa waa biyo-la’aan buuxda (absolute water scarcity).

Cabbirka Biyaha iyo Roobka

Biyaha waxaa lagu cabbiraa halbeegga loo yaqaanno mitirkubo (cubic meter), oo loo qoro (m3) ama liitar. Haddii mugga biyuhu ay aad u badan yihiin waxaa lagu cabirraa km3.

m3 = hal mitir kubo. ( hal liitar oo biyo ah wuxuu la egyahay hal kiilo oo biyo ah)
hal m3 wuxuu la egyahay kun liitar (one cubic meter = 1000 liters).
hal km3 = hal kiilo-mitir kubo (one cubic kilometers).
hal km3 wuxuu la egyahay hal bilyan oo mitir kubo. (1km3 =1×109 m3).

Roobka waxaa lagu cabiraa halbeegga loo yaqaanno milimitir ee marka la soo gaabiyo
loo qoro mm. Hal milimitir oo roob ah haddii uu ku da’o dhul baaxaddiisu dhan tahay hal
kilomitir oo isku wareeg ah, waxaa ka soo baxaaya biyo la eg hal milyan oo liitar (1000
m3). Sidoo kale uumibaxa biyahana waxaa lagu cabbiraa milimitir ’mm’.

BIYAHA ADDUUNKA

Meeraha aynu ku nool nahay ee loo yaqaanno Dhul (Earth), waxa uu ka mid yahay sagaal meero, suurta galne ma aha in siddeedda kale lagu noolaado, ayada oo ay sabab u tahay in aysan laheyn maaddada dareeraha ah ee loo yaqaanno Biyo, ee kiimiko ahaan loo qoro (H2O). Sidaas daraadeed, biyaha ayaa suurto geliyey in aan ku noolaano Kownkan (dhulka). Meerayaasha kale ee dunida waa kuwa aan laheyn biyaha dareera.

Biyuhu waxay daboolaan 71% bed ahaan dhulka adduunka, ayada oo ay habboonaan
laheyd in Dhulkan aynu ku nool nahay lagu magacaabo biyo, maaddaama ay intiisa badani biyo dabooleen. Biyuhu waa kheyraadka dabiiciga ah ee dib usoo noqda markii la isticmaalo kadib.

Tirada biyaha adduunka oo idil oo la eg intii ay la ekaayeen dhowr kun oo sano ka hor
dhalashadii Nebi Ciise (caleyhi-salaam), waxaa lagu qiyaasaa 1.4 bilyan oo kilomitirkubo (1.4×109 km3). Biyahaasi intooda badan, 97.5%, waa dhanaan ama biyo-badeed (saltwater) aanan la isticmaali karin. Inta soo hartay, 2.5%, oo ah biyaha macaan (fresh water) ee la isticmaali karo ayaa waxaa lagu qiyaasay in ay la egyihiin 35 milyan oo kilomitirkubo (35×106 km3). Sida laga arki karo sawirka hoose (Sawir 1) biyaha-macaan intooda badan, 69%, waa biyaha ku jira barafka yaala adduunka geesihiisa, 30% waa biyaha dhulka ku jira oo ay adag tahay sidii loola soo bixi lahaa. Biyaha macaan ee sida tooska ah loo heli karo waa biyaha webiyada iyo harooyinka waxayna la egyihiin 0.3% biyaha-macaan.

Waxaan halkan laga garan karaa in tirada biyaha-macaan ee la isticmaali karo ee
adduunka oo idil ay aad iyo aad uga yar yihiin biyaha aan aragno, waxaana markaasi lama huraan ah in tiradaasi yar ee biyaha-macaaan ah loo helo hab fiican oo lagu maamulo.

Biyaha waxaa loo kala saaraa laba qeybood (1) Biyo-duleed oo ah kuwa dhulka korkooda yaala (surface water) sida webiyada, harooyinka i.w.m., iyo (2) Biyo-dhuleed oo ah kuwa ku jira dhulka hoostooda (groundwater).Biyo-dhuleedku waa biyaha aan ceelasha ka cabno.

La Soco Labaad
Waxa Qorey Macalin Eng: Abdirashid Mohamed Jama "Belel”
Bulo002@hotmail.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip