Xisbiga Waddani Hadafkiisu Waxaweeye In Somaliland Aan Jeegaan Ahayn La Sameeyo" Gudoomiye Cirro

0
Tuesday August 01, 2017 - 15:32:19 in by free journalism
  • Visits: 502
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Waddani Hadafkiisu Waxaweeye In Somaliland Aan Jeegaan Ahayn La Sameeyo" Gudoomiye Cirro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa la noo sheegay halkan inaad hadh weyn ka samayseen oo ay qoladii ka timid hargeysa ee ka socotay dowlada iyo xisbiga Kulmiye idinka burburiyeen waxaan u sheegayna quluubta dadka waxba ka bedeli mayso shucuurta dadka wey sii kordhinaysaa casiimadoodana saray u qaadaysa

Somaliland la wada leeyahay in la sameeyo weeye hadafka xisbiga Waddani Somaliland aan cid loogu balan qaaday xilalkeeda aan jirin ee la wada leeyahay muwaadinka Las Qorey jooga ka Saylac jooga iyo ka Alleybaday jooga iyo ka Caynaba joobaaga simayihiin

In uu noqdo gudoomiyaha Waddani cidna u xidhnayn maayo madaxweynaha qarankuna cidna u xidhnaan maayo

Barnaamijka siyaasiga ee xisbiga Waddani waa birnaamij ku salaysan sinaan iyo horumar oo in dalka laysasoo gaadhsiiyo dalka oo inta aan caafimaad haysan oo biyaha waxbarasho iyo wado

Waxaynu doonaynaa inaynu qaran dhisno

Taasi waxey ku imanaysa marka aynu goaanka wada qaadano shacabkuna taageero isbedel khayr qaba

Muwaadin ereyada kor ku xusan waa ereyo qoto dheer oo ka turjumaya maskax caafimaad qabta siyaasi aan tiisa ka hormarin danta guud ee qarankan waa masuul aan garaacin durbaanka qabyaalada ee ay kooxda Kulmiye ku fuushay xukunka 2010 yaan xusuusan heestii ay nagu waaleen "beeshu wey haraadayā€¯ tolow yey uga jeedeen ma reer Awdal oo u ka soo jeedo Riyaale baa ajnabi ah bal adba maantana beesha Cabdiraxmaan Cirro baa Xamar inuu wada haduu guulaysto ayey qaadayaan korneelada Kulmiye ee ku xeel dheer siyaasada fashilantay ee ku salaysan isku dirka beelaha walaalaha ah maantase maaha 1997 ee sanadku waa 2017

Gudoomiye Cirro waa siyaasiga ay Somaliland u baahantahay maanta in uu ka saaro talo xumada Kulmiye qabyaalada uu naxashkeedi ka soo saaray boobka hantida ummada oo la joojiyo sicir bararka xadhkaha goostay iyo qaar kaloo badan looma baahna maanta yaa reer hebel ah iyo anaa mujaahid ahaa dalku waa dimuqraadi shirkii Burco iyo Boorame mujaahid ma jirin ee maanta yaa loo awood sheeganayaa ma reer Awdal iyo Las Qorey iyo Laas Caanood iyo Salaxley ayuu ku jihaadayaa Muuse Biixi

Daahir Sancaani
dsancaani88@gmail.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip