
SANAD GUURADII URUR AFRO: African Family Revival Organization oo wacdaro ku soo bandhigaye magalada kitchener ee wadanka canada+DAWO SAWIRO.
Kitchener (BKN) uruka kaalmeeya dadka ku cusub magalada Kitchener iyo gobalka waterloo ayaa soo bandhigaye waxa yaabo qiiro galiyey dadkii ka soo qay galaye DAAWO SAWIRO
ururka la yidhaa AFRO: African Family Revival Organization oo ka hawl gala magalada Kitchener una kaalmeya dadka wadanka cusub ayaa magalada Kitchener ku soo badhigaye waxa qabadkiisa iyo ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka ee qoomiyadah kala dugan ee ku nool magalada Kitchener oo ku taal wadaanka canada gaar ahaan gobolka ontario .
madashaa kulmisaye qoomiyada waxa ka hadlaye madaxa kala dugan oo isku jirtaye madaxada dawlada iyo madaxda ururka AFRO: African Family Revival Organization kuwaasi oo kalah gudoomiyah ururka warwo muna xaji ahmed qulunbe oo madaxda sare ee ururka ah, mayirka waterloo region mr Berry vrbanciv iyo generalka hayda bilaysak mr Bryan larkin dhamantood waxay ku dheeradeen sida fiican ee qoomiyada dagan Kitchener iyo gobalkaba ay uga qay qaataan dhinacyada horumarka iyo amaanka waxay ku amaaneen is dhex galka bulshada ee sida fiican u socda, mayirka iyo generalka waxay ku amaan uruka AFRO: African Family Revival Organization hawsha fiican ee u qabto bulshada iyo dadaalka uu muujiyey uruku.
waxa qabadka uruku u fidiyo bulshada ku dhaqan Kitchener waxa soo dhan dhigtey oo ka hadashey khadija cabdi jamac sheegtayna in uu ururku dadaal kiisa halkaa ka sii wadi doono
dhanka kalana waxa gabay qiiro leh soo bandhigtey, dadka dhagahooda soo jiitey hibo ahmed gabaygaas oo ka hadlayey tacadiga ay bilaysku u gaysdaan dadka midabka ah
waxa goobta lugu soo bandhigaye ciyaara hida iyo dhaqanka ee wadamaa africa iyo carabta halkaasi oo dadkii joogaye sacabka iyo jaanta isla heleen
wadaamdii ka qayb qaatayna waxa ka mid ahaa somaliland, somaliya, , ethiopia,eritrea ,chad iyo wadamo kale, ugu danbayniina waxa dadkii ka soo qay galaye hadal mahad naqa u jeedisaye gudoomiya ururka marwo muna xaji ahmed qulunbe
SANAD GUURADII URUR AFRO: African Family Revival Organization oo wacdaro ku soo bandhigaye magalada kitchener ee wadanka canada+DAWO SAWIRO.
Kitchener (BKN) uruka kaalmeeya dadka ku cusub magalada Kitchener iyo gobalka waterloo ayaa soo bandhigaye waxa yaabo qiiro galiyey dadkii ka soo qay galaye DAAWO SAWIRO