Muusaw Waxba Cunaha Hays qaban Sidda Cawl Wadkii Galay ( Dr Daacad AlleYaqaan)!

0
Wednesday September 20, 2017 - 15:05:58 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muusaw Waxba Cunaha Hays qaban Sidda Cawl Wadkii Galay ( Dr Daacad AlleYaqaan)!

    Ninka soo joog laga waayo, soo jiif baa laga helaa, waa murtiay dheehan tahay xikmad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ninka soo joog laga waayo, soo jiif baa laga helaa, waa murtiay dheehan tahay xikmad

 iyo micnayaal badani, siyaabo kala duwan loo adeegsan karo, waxan-se imika ka qaadan doonaa, ta kahadlaysa amin ama wakhti uu qof lumiyey, oo uu ka faa'iidaysan karaayey markii ay ku haboo-nayd, uu haystay fursadda in uu wax ka qabsado, laakiin-se si kastabaha ahaateeay dhaaftay mudaddii uu wax ka taransan lahaa, ka dibna qoomameeyey jaaniskii ka khasaaray, foodana la galay dhibtii uu kaga gudbi lahaa, haddii uu sida ugu wacan markii ay joogtay wadadeeda u maro, digadda kulul ee uucagahala
galayna aanay timaadeen maanta, ee sidii uu rabay bay u kala socon lahayd, mase dhicin ee labadda gacmoodba buu laba-dible iskaga xidhay qab, lugaha-na qoofal laba qafile ah iyo xadhig-maran isku murugsan, oo aan kala lahayn af iyo dabo-toona, isaga laf-tiisa baa is yuururiyey, sidii dhurwaa sakal cadw u galay, oo meela aan uga bixi karayn,cid wali-bana ay leedahay ma kii baa dabin idiin galay. oo aan naxariis iyo wax ka fura mid-na aanu filayn, tallo ku ceer-yoontay, oo goor ay xeedho iyo fandhaal kala dhaceen, uu ogaaday in aanu rajo lahayn ee ay u dhamaatay, dabeed faal ula kalabaxay,rog-rogay, dhul-kana intii cidiyihii ku jeex-jeexay, jaaniggii kale-na dhafoorka saaray, baadhaa-yanabal in uu saacadda dib u celin karo, oo uu socdaal hor leh soo bilaabo iyo tallo dhaanta tii jarka ka soo laalaadisay,nasiib daro-se waxa ku soo booday"Faalkii" mid aan rajo lahayn, oo la yidhaaho "Garba-Raar", micni-hiisuna yahay wax-bakuuma laabna oo dabadda baad jeedisay ee xamaamadda ka ururso meesha, ilayn muu filayne ilmada wadhay, dhiigii ku kacay, tallo faraha-ka-haaday oo "Dhaqaa-joog-saday" kola timaha is jiido, marna kada-loob fadhiisto, dib-naha cuno oo uu ku waasho cidi-yaha, madax xanuun iyo xumad wadda gaadhay, oo aan garan karin meel gacal ugu dhaw yahay, isku meeray-sanaaya, talaaba-diina ka khal-dantay, wado uu dhufto-na la', khali duuraaya bay-hoof daraadii, oo cild gebi dhacaaya, isaga oon wax ku noolayn, nafina aanay ku jirin oo darxumo iyosilica ka muuq-daan, indhihii qabtaana ay arga-gax iyo u qaadan-waa ku noqo-nayso, baa wuxu soo gurguur-taba, goor fiid-cawl ah uu gataati-dhac, isaga oo luudaaya sidii qof dhiti-naaya, sinaha haysta, kacaa-kufaaya,cuska-naaya hadaba tiir u dhaw, dhawr jeer-na qooni soo gaadhay, ayuugaadhay gurigii, dib-na u soo hungu-rayn macashii loo soli jirey.

 

Hadaba sidaaskor ku qorannin-ka la midka ah, ee ka dhigani wax-ba yaan idinku dheerayne waa Gudomiyaha Kulmiye, oo imika uu leeyahay "Naf-yahay cawa-daranta ciidmisaa, cadceeda miyaa coloow-deen?", mise waad ii kadaysaa?, maxaan galab-saday ee aad iga kadee-daysaa buu waydiiyey naftiisa, isaga oo iska qanacsan, taas oo rabta isaga oon is-ogayn in ay si aanu dhaadin uga siibato ( Waa nafta'e), oo karahday in ay ku sii jirto, ilayn isma oga halka ay ka taagan tahaye, waxana ay ugu jawaabtay, oo ay ku tidhi, maanta maaha markiiaad wax i waydiin lahayd, eeaan ku caawin lahaa, markii aad doobta ridaysay waa adiggii dhegaha duubtay siddii al-shabaab, ee aad sanka iyo af-kaba iga xidhatay, waxba maqli waday, tallo iyo nasteexo kay tahayba baad isugu keen dambaysay, ee hadeer maxaad i su'aalaysaa? waxay u sii raacisay naftiisii ( Waa Ina Biixiye) iyada ooxanaaqsan, I dhegayso mid wax gelayaan ma tihide, waxan kuu guud marayaa oo aan ku xasuusi-nayaa wixii aad iga hoos qaadi wayday oo ah arimahaku shidaya ee fur dhegaha-ha:-

 

Hadaan kuu soo koobo, sabool,naafo,goblan laga dilay caruurtii, caydh, bukaan,raacato, dilaal, dhaawac, belo-wade, dhuuni-raac, qabiilayste, kuwo dhiig miirad ah, gafane ku naaxay tuugo, maato, waayeel iyo qaar kaloo badan baa balankeenu ahaa in aad daadihisid, dar-yeeshid, darxumadda ka ilaa-lisid, biyo la'aanta, gaajada, cudur-ka, abaarta, dagaalka, cadawgga, diifta, musuq-maasaqa, cadaaal-darada, wax u soo saaritid ,shaqo u abuurtid, sinaan ku maamushid, sinaba aan loo kala soocin, la kala dhaway-san, loo sinaado khayraadka umadu leedahay, la ogaado waxay u baahan yihiin iyo halka waranku kaga yaalo, loo sahamiyo guri caafimaad qaba, la dhiso maskax-dooda, caafimaad-koodalaga shqeeyo, tacliinta loo dadaalo, adeegyadda bulshada oo dib loo habeeyo, si xaq ah cashuurta loo ururiyo, qaarna aan loo dhaafin,kuwa kale-na aan 100% laga qaadin, daacad loo noqdo wixii la idiin-egmaday oo aan lakhiyaamayn, la kala boobin wixii yaraa eeweliba inta liidata laga soo jafay, in la isku taxa-lujiyo in mar kasta nabad ay ku wadda noolaadaan ee aan iyaka la iska hor keenin,lagu dhaqamo distoorka,oo aad had iyo jeer dhex qaadid si aadula socotid kolba sida xaal yahay, hadaba Muusaw, meeday xagee baad marisay amuuraha kor ku qoran, ma imikabaad soo hambaabirtay oo aad gebgeblay-naysaa.

 

Hadaan talada cishada loo og-yahay cidi-na yeelay-nin, asaay cidhii-dhigagashoo col iyo qaaq gaadho, ceeb weeye geeloow nin-kii soo calaa-calaye, Muusaw xusul-duubka iyo orodka kaa dhacayaimika, ma kulayka baa kaa keenaay?, ma hadaad is aragtay in aad dhiidhi dhex fadhido?, ma kabahii baa degdeg kugu noqday intii aad xidha-naysay?, ma keegii aad cunaysay baad isku iloowday?ma beentii baa la qaadan waayey oo soo gabaabsiday? ma saacaddii baa kugu soo dhawaatay?, ma waxcusub baad sheegaysaa? oo aad u fadhidaa in lagaa dhegaysto? ma mar kale baad na khaldi bay kula tahay? ma kabash-kabashtan baad wax ku keenin baa is tidhi? ma wax lays yidhaaho baa hadhay? ma hadaad dabayl raacday sidii nayla-ha? mase ku xisaab-tantay in lagu dhegay-sanaayo iyo in kale?, ma faalkii baa socon waayey oo kugu foorar-saday? ma wakhtigii aad halaysay baad soo kabi kartaa? waa adigii ma umadaad u haysataa kuwo aan dooc iyo dareen mid-na aan lahayn? mise waxad is leedahay waad ka hoos bixi kartaa oo waad nagu eegaysaa? waxa la yidhi, habar dhali wayday aleello ku waalataye ee xejiso wixii aad xoogsatay baad hadda maalaysaaye, ma imika buu wakhtigu xamaga ku haya'e?, ana (umadda hadaan nahay)ha naga sugin xanaano iyoin aan kuu xeebano. Hore bay kuu ekayd in aad in aad u dhawrsato, miyaad ilawday wixiiaad samaynaysay abaarihii, biyo la'aantii, sicir bararkan ka ugu horeeya ee abuuray saw ma tihid,gaajo,baahidii jeeniga lagu soo dhuftay ee la soo jibaaxay, hadaanad odhanba sidee baad tihiin, irbadba haddii aanad dunu gelin ummadda silicii soo maray, ee aad ku wiirsanaysay,ee aad lahayd anigu food baan rabaa ee doorashadda yaan dib loo dhiginmiyaanad ahayn, maxaa-se uu soo kordhi-nayaa safarkan aad ku doonaysid in aad subaxba xaafad,gobol, degmo, tuullo hor leh lagaaga siiyo cambaabur subag iyo malab leh, oo caweeftii caruur loo dhigay aad ka sii cantuugtid, waxan ku soo af-gooyey maqaal-kan, Waxba cunaha hays qaban sidda cawl wadkii galay, kursigani galbay ku kale mooyee. karis xun iyana wax ku la' baa la yidhiye, haw fadhiyin in aad ku guulaysto, faraska aad fuushanahay sansaankiisa in aad garato bay ahayd, laakiin garaadkaa ma kaa sugayno, welina maad is baran, oo u fiirso in aan meesha wax kuu oolin, ee ka laalaabo hanka baa kaa khaldamiye,meel kale ka eeg-eego. haw niyad kicin kursiga adiga oo aan cid kuu foodaysaa jirin, waayo hadhawmarka aad waydo baad waalan doontaa usheeg imika naftaadda, maskaxdana geli in aad bacada haysato.

 

Qore:- Dr Daacad Alle yaqaan.

 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip