ANGEL DI MARIA OO KA CAREYSIIYAY JAMAAHIIRTA REAL MADRID KA DIB MARKII UU 'LIKE' SAARAY SAWIRADA DABAALDEGA BARCELONA EE KULANKII EL CLASICO

0
Thursday December 28, 2017 - 18:44:17 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ANGEL DI MARIA OO KA CAREYSIIYAY JAMAAHIIRTA REAL MADRID KA DIB MARKII UU 'LIKE' SAARAY SAWIRADA DABAALDEGA BARCELONA EE KULANKII EL CLASICO

    Xiddiga Paris Saint-Germain Angel di Maria ayaa u muuqday mid ku riyaaqay kulankii El Clasico

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiddiga Paris Saint-Germain Angel di Maria ayaa u muuqday mid ku riyaaqay kulankii El Clasico

 ee ay shalayto Barcelona 3-0 ku garaacday Real Madrid ee ka dhacay Santiago Bernabeu.

Ciyaaryahankii hore ee Real Madrid ayaana ka careysiiyay jamaahiirta kooxdiisa hore ee Los Blancos ka dib markii uu ‘like’ saaray qaar ka mid ah sawirada ciyaartoyda Barcelona oo dabaaldegaya oo ay ku jirto sawirka ciyaartoyda Barcelona ay ku galeen qolka labiska ka dib markii ay ciyaarta soo dhamaatay.

 

Taageerayaasha indhaha gorgorka ah leh ayaa arkay dhowr sawir oo uu Di Maria ‘like’ saaray akoonkiisa Instagram ka dib markii ay soo dhamaatay ciyaartii El Clasico ee ay Barcelona guusha weyn gaartay.

Di Maria ayaana xagaagii ku dhawaaday inuu qeyb ka noqdo kulankaan iyadoo Barcelona ay raadineysay inay kubadsameeyaha khadka dhexe kala soo wareegto Paris Saint-Germain iyagoo u arkayay inuu yahay bedelka Coutinho oo ay ku hungoobeen.

Xiddiga reer Argentina ayaa afar xilli ciyaareed u dheelay kooxda caasimada Spain ka dhisan ee Real Madrid, wuu kula guuleystay koobka Champions League sannadii 2014.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip