Goolhaayaha Kooxda Manchester United David de Gea Oo Fariin Muhiim Ah U Diray Saraakiisha Real Madrid Oo Aan Wali Ka Quusan Soo Xero Galantiisa.

0
Tuesday January 02, 2018 - 15:17:06 in by abdirizak saleban
  • Visits: 453
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Goolhaayaha Kooxda Manchester United David de Gea Oo Fariin Muhiim Ah U Diray Saraakiisha Real Madrid Oo Aan Wali Ka Quusan Soo Xero Galantiisa.

    Goolhaayaha kooxda Manchester United ee reer Spain David de Gea ayaa wuxuu go'aamiyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Goolhaayaha kooxda Manchester United ee reer Spain David de Gea ayaa wuxuu go'aamiyay

wararka ku aadan suurtagalnimada uu ugu dhaqaaqi karo safka kooxda Real Madrid dhamaadka xili ciyaareedkan.

Wargeyska "Confidential” ayaa laga soo xiganayaa in saraakiisha kooxda Real Madrid aysan xiligan raacdo ugu jirin saxiixa David de Gea, sababa la xidhiidha in ciyaaryahanka uusan xiisa u qabin imaatinta Santiago Bernabéu.


Madaxweynaha kooxda Real Madrid Florentino Perez ayaa la xaqiijiyay in dhawaan uu markale ku laabtay xiisaha uu ku doonayay soo xero galinta David de Gea, balse goolhaayaha reer Spain ayaa wuxuu si xoogan kaga soo hor jeestay inuu ka dhaqaaqo Old Trafford sababtoo ah wuxuu dareensan yahay inuu heysto tix galin iyo qiimeynta uu u qalmay.

Real Madrid ayaa si xoogan ugu dhawaatay inay hir galiso saxiixa David de Gea sanadii 2015, kahor inta uusan heshiiska ku soo idlaan qaab fashil ah sacadihii ugu dambeeyay, sababa la xidhiidha inay daahis ku timid waraaqaha dhameystirka heshiiska.

Los Blancos ayaa haatan raadineysa saxiixa magaca goolhaaye weyn si loo xoojiyo xarunta goolhayaha. Saxiixyada kale ee sida xoogan lala xidhiidhinayo ayaa ah goolhaayaha kooxda Chelsea Thibaut Courtois, sidoo kale kan kooxda Athletic Bilbao Kepa Arrizabalaga.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip