
WASIIR KITAABKU KU QABAY HADAAD KHIYAANTO ! QALINKII KAYSAR MAXAMED.
Wasiirrada Cusub waxaa muhiim ah inay Xasuustaan in Maalmo yar ay tahay mudada ay xilka hayaan, taasoo Allaha Raxmaanka ahi uu dusha ka eegayo mudada ay Xilka hayaan ficilada ay ku kacaan.
Wasiir kastaa mudada uu xilka hayo waxa uu haystaa fursad uu taariikh wanaagsan oo lagu xasuusto uu ku samaysto, waxa kale oo uu haystaa inuu taariikh madow iyo habaar kala carraabo xilka uu hayo.
Mudane Wasiir Fadlan Ummadaada ugu shaqee si Cadaalad ah, dadkoo dhami waa dadkaagii, hana ku fakarin inaad si sharciga ka baxsan u isticmaasho Awwoodaada iyo Khayraadka Ummada ka dhexeeya.
Ogow haddii aanuu Madaxweyne Muuse ku dul taagnayn in uu Allah ku dul taagan yahay oo uu ku daawanayo oo uu kula Xisaabtamayo.
Wasiirkii Dhaartaa ka been sheegoow Kitaabku ku qabay.
WASIIR KITAABKU KU QABAY HADAAD KHIYAANTO ! QALINKII KAYSAR MAXAMED.
Maaha oo kaliya inay dhaartan Wasiirradu tahay mid Dastuuri ah