wasiirka afdheerida iyo dhaqan xumada

0
Monday March 26, 2018 - 04:10:48 in by Super Admin
  • Visits: 670
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    wasiirka afdheerida iyo dhaqan xumada

    wasiirka afdheerida iyo dhaqan xumada ee af lagadeyey qaar ka mid ah hablaha somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

wasiirka afdheerida iyo dhaqan xumada ee af lagadeyey qaar ka mid ah hablaha somaliland Akhriste sidaan lawada socono waxaa baryahan mediaha Somalida heystay dooda buuga aadka uga fog Diinta iyo Dhaqanka umad Islaamka ee uu qoray ninka loo magaacabay Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Hidaha Somaliland. Waxaa umada afka Soomaliga ku hadasha isku qaban waayey Wasaarada masuulka looga dhigay iyo sida uu shaqsigani uuga aradanyahay Diinteena suuban iyo Dhaqanka soo jireenka ah ee Umada Somaliyeed. Qoraaga buugani wuxuu si badheedh ah buugiisa uugu soo bandhigay Cay iyo aflagadooyin aanu u meeldayin uu kula kacay hablo reer somaliland ah.

Shaqsigan wuxuu hablahaa u caayey si reernimo ah isagoo aan kala reebin Hooyooyin iyo Hablaba, waxaa kale oo buugan ku qoran gabayo si anshax darro ah uuga hadlayo Cawrada dumarka isagoo aan sinaba daah u saarin. Buugan dhaqan xumada ah iyo qoraagan masuulka dhaqanka ka aradan ee masuuliyadii wasaarada dhaqanka loo dhiibay ayaa umada reer Somaliland fajiciso ku riday.

Hadaba hadii la rabo in uu midnimada iyo isku duubnida Umada reer Somaliland waa in talaabo sharciga waafaqsan laga qaado oo talaabada kowaad noqoto in uu Madaxweynuhu xilka umada u dhexeeya ka xayuubiyo. Makaxamadahana Somaliland laga dhigo dacwad buuga lafanahaantiisa lagu cidhib tirayo iyo mid isaga ah talaabo sharciga waafaqsan laga qaado arinkan foosha xun ee uu ku kacay.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip