Sidee Loo Soo Celin Karaa Qiimaha Lacagta Somaliland Iyo Isticmaalkeeda?- Qalinka: Cabdilaahi Axmed Caarshe

0
Tuesday March 27, 2018 - 14:10:26 in by abdirizak saleban
  • Visits: 386
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sidee Loo Soo Celin Karaa Qiimaha Lacagta Somaliland Iyo Isticmaalkeeda?- Qalinka: Cabdilaahi Axmed Caarshe

    Inta badan qiimaha dhaca ku yimaada lacagta iyo sixir bararka waxaa keena lacagta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inta badan qiimaha dhaca ku yimaada lacagta iyo sixir bararka waxaa keena lacagta  dal leeyahay oo qiimeheedu hoos u dhaco ama la isticmaali waayo, taas ayaa keenta qiimaha dhaca iyo sixir bararka labadaba (Currency is falling), iyada ay ka dhacday wadamo badan sida dalka Zimbabwe. Waxaa keenay qiima dhaca shillinka Somaliland, waxaa badatay baahida lacagta doolarka ah, waxaana yaraatay baahida loo qabo lacagta Somaliland, waana ta keentay in ay qiimo yeelan weydo ama la isticmaali waayo lacagta Somaliland, iyada oo laga door biday lacagta doolarka. Waxaa kale oo qayb ka ah qiimo dhaca lacagta somaliland, waxaan jirin lacag adag oo dibeda inoo ka timaada, sida lacagtii ina ka soo geli jirtey xoolaha aynu dhoofino, taasoo aan maanta jirin, balse waxaa jirta lacag adag oo dalkeena laga saaro, sida lacagta doolarka ah ee lagu qaato qaadka iyo lacagaha doolarka ah ee ganacsatadu ay dibeda wax kaga soo iibsadaan.
Sidee Kor Loogu Qaadi Karaa Qiimaha Lacagta Somaliland?
Barnaamij kasta oo la qabanayo waxaa uu u baahan yahay halbeeg siyaasadeed oo lagu xaliyo dhibaatada jirta, tusaale ahaan xukuumaddu dhowaan waxay qaaday talaabooyin wax lagaga qabanayo qiima dhaca lacagta somaliland, waxaa la joojiyey isticmaalka Zaad iyo E-Dahab, wixii ka yar boqol doolar, waa tallaabo fiican, balse weli waxaa jira caqabado kale oo hortaagan isticmaalka lacagta somaliland.
Caqabada hortaagan isticmaalka lacagta Somaliland, waa sabab u ah qodobdan soo socda oo hadii la fuliyo ay lacagta Somaliland qiimo yeelanayso.
1- Si ay qiimo u yeelato lacagta Somaliland, waxaa loo baahan yahay in ay noqoto ta lagu isticmaalayo meelkasta oo wax lagu kala iibsanayo, tusaale ahaan xukuumaddu waa in ay fartaa goobaha caafimaadka in aan lagu qaadan lacag aan ahayn ta Somaliland, taasoo cidii ka hortimaadana tallaabo laga qaado, qodobkaa fulintiisa waxaa iska leh Wasaarada Horuumarinta Caafimaadka.
2- Qoobaha waxbarashada, ayaa Iyana muhiim ah in lagu qaato lacagta Somaliland, oo la joojiyo doolarka ardayda laga qaadayo, sida goobaha waxbarashada ee dowliga ah iyo kuwa gaar loo leeyahayba, taasoo soo celinaysa qiimaha lacagta Somaliland, waxaana fulinteeda leh Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska.
3- Waa in goobaha ganacsiga, sida kuwa lagu iibiyo waxyaabaha daruuriga ah, ay bulshada wax kaga iibiyaan lacagta somaliland, oo aanay doolar kaga iibin, taasoo Iyana qayb weyn ka qaadanaysa soo celinta qiimaha lacagta somaliland, iyada laga rabo in Wasaarada Ganacsigu ay ganacsatada qasab kaga dhigto in aan wax lagu iibin Karin wax aan ahayn lacagta somaliland.
4- Waa in Baanka dhexe Somaliland, uu jaan-gooyaa qiimaha sarifka lacagaha oo uu hagaa, tusaale ahaan waa in Baanku noqdaa meesha keli ah qiimaha isku sarifka lagacaha laga maamulo, qiimaha baanku gooyo mooyaane aan qiima kale aan wax lagu kala sarifan.
5- Sidoo kale waa in Baanka dhexe ee somaliland, uu yeeshaa awoodii maamul iyo tii sharci ee uu ku maamuli lahaa sarifka lacaga kala duwan, waana in Baanka dhexe uu awood u yeesho in uu noqdo meesha ugu wayn ee isku sarif ka lacagaha, hadii uu awoodaas yeesho Baanku, sixir bararna ma jirayo lacagtii somaliland qiimo ayay yeelanaysaa, awoodan ay hada leeyihiin sariflayaashuna Baanka dhexe ayaa yeelanaya.
6- Waa in Baanka dhexe la dhigaa lacag adag (hard currency), si loo ilaaliyo in aan marna doolarku kicin marna lacagta somaliland, waa in la helaa lacag adag oo Baanka, taalla oo uu kula dagaalamo kor u kaca lacagaha kala duwan.
7- Waa in lacagta qaadka ee doolarka ah la joojiyaa, oo loogu bedelaa lacagta birta ah si aanay dalka uga bixin lacag adagi, aan loo ogolaan qaadka in ay lacag doolar ah dalka kala baxaan. Arrimaaha aan kor ku soo xusay ayaa dawo u ah, qiimaha dhaca ku yimid lacagta Somaliland.
Hadaba si ay lacagteenii qiimo u yeelato waa in qodoban aan kor ku xusay ay xukuumadda u noqdaan ahmiyad gaar ah, si loo soo celiyo qiimaha lacagta Somaliland, hoosna loogu dhigo sixir bararka dalka ka jira.
W/Q: Cabdillaahi Axmed Caarshe,
Hargeysa, Somaliland

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip