Waa sidee xaaladda golaha shacabka? iyo ajandayaasha iska soo horjeeda -VIDEO

0
Wednesday April 04, 2018 - 13:45:59 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa sidee xaaladda golaha shacabka? iyo ajandayaasha iska soo horjeeda -VIDEO

    Amniga ayaa si weyn loo adkeeyey maanta oo Arbaca ah, kadib markii ku-xigeenka kowaad Cabdiweli Sh.Ibraahim Muudey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Amniga ayaa si weyn loo adkeeyey maanta oo Arbaca ah, kadib markii ku-xigeenka kowaad Cabdiweli Sh.Ibraahim Muudey

oo sheegta ku simaha afhayeenka uu Xildhibaanada ku wargeliyey in la gelaayo Mooshinka ka dhanka ah Afhayeenka, halka Jawaari Xildhibaanada u ballamiyey in laga hadlaayo xaaladda Beled Xaawo.

Waxaa xiran dhamaan waddooyinka soogala Baarlamaanka, waxaa loo oggol yahay keliya Xildhibaanadu in ay u gudbaan xarunta baarlamaanka, Xildhibaanada ayaa la marinayaa baaritaan dheer waxaana laga reebayaa dhamaan wixii hub ah, waxaana baaritaanada ka qaybqaadanaya eyda loo tabababaray baaritaanada.

Xildhibaan Daahir Cabdullaahi oo la hadley warbaahinta Goobjoog ayaa sheegay in Muqdisho maanta u egtahay habeenkii inqilaabku kadhacaayey Soomaaliya, marka la eego fara badnida ciidamada dariiqyada loosoo saarey, wuxuuna sheegay in ay banaanka joogaan oo baaritaanku uu yahay mid ay adag tahay in ay dhamaato.

Su’aalaha ugu waaweyn?

Ma cadda ilaa hadda qaabka Mooshinku u dhacayo? su’aasha ugu weyn ayaa ah cidda shir guddoomin doonta kulanka baarlamaanka?.

Qaar kamid ah Xildhibaanada ku jira Hoolka ayaa sheegay in Maxamed Sh.Csmaan Jawaari iyo ku-xigeenka labaad Mahad Cawad ay galeen baarlamaanka haddana ku fadhiyaan kuraasta shirguddoonka, sidoo kale waxaa goobta ku sugan Cabdiweli Ibraahim Muudey oo kamid ah Xildhibaanada Mooshinka wada sheegtayna in uu isagu yahay ku-simaha afhayeenka maadaama Jawaari eedaysan yahay.

Muuqaal Video ah ayaa muujinaya in kuraastii shirguddoonka laga qaadey meesha ayna haystaan ciidamo boolis ah, ma cadda in uu yahay ka hor inta aan Jawaari soogelin iyo in kale

Amniga dhismaha baarlamaanka waxaa la wareegay AMISOM, Xildhibaanada waxaa ilaaladooda looga reebayaa isgoyska dabka.

Warbaahintu banaanka ayey ka joogaan oo weli looma oggolaan, waxaana la is weydiinayaa haddii warbaahinta loo diido sida loogu qanci doono go’aankasta oo soo baxa.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip