'' KAFTANKA MAANTA,WAA SIDAY AHAAN JIRTAY ''. AXMED NUUR GURUUJE

0
Saturday August 18, 2018 - 18:07:33 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' KAFTANKA MAANTA,WAA SIDAY AHAAN JIRTAY ''. AXMED NUUR GURUUJE

    Waaggii cigaal madaxwaynaha ahaa ,ayay xukuumadiisu mar tidhi waxa lala dagaalamayaa musuq maasuqa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waaggii cigaal madaxwaynaha ahaa ,ayay xukuumadiisu mar tidhi waxa lala dagaalamayaa musuq maasuqa

,guddi loo bixiyey gudidada la dagaalanka musuq maasuqana waa la magacaabay .

Maalmo badan iyo habeeno ayaa radio hargaysa heeso iyo hadal barnaamijyo ku saabsan musuq maasuq iyo warkiisu dhegaha dadka haysteen .

Waxba yaan hadal idinku daaline ,maalintii danbe ayaa gudididi hadh cad xabsigga u taxaabtay ,maayarkii magaaladda hargaysa oo ahaa Cawl cilmi cabdale ,xoghayihii dawladda hoose maxamed Haybe iyo khasnajiggii dawladda hoose c/raxmaan handaraab .

 

Orta, sacabkiyo iyo mashxaradaa la isku daray ,alaylehe ,bagga iyo hambyadaa socotay .

Hassa yeeshee hal xidhaale culus baa gudida lasoo hor dhigay ,kaasoo ahaa bal gudidudu waataase berbera iyo dekedda ha gaadho .

Waa siddii la filayaye ,mareeyihii dekedda ayaa gudidu maalin wayn hargaysa ka qabatay ,2 Bilood ka dib xadhigii cawl iyo saaxiibaddii .

Subaxnimaddii maareeyuhu xabsigga kowsaday ayaa qasrigga lagga soo saaray wareegto ay ku qoran yihiin 3 oo keliya ,kuwaasoo kala ahaa :-

Shaqaddii gudidada waa la joojiyay maanta ka dib ,gudidiina waa la kala direy ,dadkii u xidhnaana waa lasii daayay .

si kastaba ha ahaatee waa siday agaan jirtay ,waa halkoodiiye horaa loo soconayaa maahin .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip