WAA IN LA WADAAGA MANSABKA, MANFACA, MAGANTA, MOORADA IYOMUQUUNADABA.QALINKII A/RAHMAN FIDHINLE UK

0
Saturday August 18, 2018 - 18:09:17 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA IN LA WADAAGA MANSABKA, MANFACA, MAGANTA, MOORADA IYOMUQUUNADABA.QALINKII A/RAHMAN FIDHINLE UK

    Qaranimadan lagu naaloonayaakumeyimanhabaqleysi iyo hormo-qamaam, kumey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaranimadan lagu naaloonayaakumeyimanhabaqleysi iyo hormo-qamaam, kumey
 iman, kula lihi iyo kaa lihi, kumey iman ku daneyso iyo ka daneyso, kumey iman hanyari iyo hawaawil ee waxay ku timi hal-adeyg, hanweyni, hawlgal adag iyo gumucii iyo gaashaan kii mujaahidiintaa intii ka sii nooli ay maanta ka muuqato safrada iyo sufurta cawlan kuwaas oo badankoodu ay ku sugan yihiin saymo dhaxameed oo debedyaalna u ah dacdarada dabeeda.

 

Qaranimadu maaha oo keliya inta Digreetada ku timi, inta dabo socota eedawaada ka maraareysateyiyo inta dibirtay eedoobineysa ee dhibi shaxleyneysa ee Qaranimadu waa shacabka qaybihiisa kala duwan oo isku noqda qowmiyad mid
ahoo lehquluub mideysan oo isku dan ah, isku dad ah, oo isku dal ah,ku waas oo wadaaga dhamaan midhaha dawladnimo sida: manfaca,mansabka,maganta, moorada iyo maquunadaba.
 
Somaliland kumay iman Hadyad iyo hagbadjeegaamaysan balse waxaa loo sooqubay dhiig badan waxaana loo huray naf iyo maal ay dhamaan shacabka Somaliland wada lahaayeen sidaa daraadeed marna xukuumada laga yeeli maayo in ay shacabkii halganka a’dag iyo hayaanka dheer usoo wada maray xornimadooda in la kala fadilo ooloo kala eexdo oo loo kalabadiyo manfaca, mansabka iyomidhaha dowladnimo.
 
Waxaa ayaan daro ah in maanta uu hoos udhacey meeqaamkii, mustawihii iyo tisqaadkii hanaankiigeedi- usocodka dimuqraadiyadeed. waxaa isna hagaasay maareyntii maamul ,maslaxadii, maamuuskii iyomasiirkii guud ee qarankaSomaliland kutaamaayey mudada dheer. Markii ay Xukuumada cusubi ku soo ururteyhungo madhan iyo Abaal celin Malaasan.Qarankeena yar ee raad qaadka ah ee ragaadey ee raranka maanta saarani wuxuu halkan uu maanta taagan yahay ku soo gaadheyhawlgalo badaniyo hayaan dheer,siyaasiyiin utudha iyo ruug cadaa samo talis ahoo isku duuban oo ummadda isku wada oo walaaleeya oo arin kasta oo cakiranta ku soo dabaali jirey garnaqsi, talowadaag,isu tanaasul taas oo intiiba ay maanta meesha ka baxdey oo ay bedeshayquluub kala jeeda,qowleysato hantiyeyilihii dhaqaalaha, colaado degaan oo degamsan, isu jabhadeyn iyo cadaawe siyaasadeedoo huwandabin isu maleeg joogto ah oo udhaxeeya intii talada wadanka bud dhigi laheyd. ,
 
Waxaadalkaragaadiyey qabyaalad duluca furatay, colaad beelaysan,musuq-maasuq iyo maal urursi xadhkii goostay, mashruuc bursi jeegaamaysan, iskooxeysi shirkadeysan.dhul-boob baahsan oohadaf waqti-dheer ku qotoma ooshaadh iskaashato iyo mid wershedeed gashan, deyr adag oo qabyaadaleysan oo aan gabasho laheyn. Hawlwadeeno aan la carbin oo aan waxba kusoo kordhin karin horumarinta iyo higsiga qarankawax ay dalqada dhigaan mooyaane, taas oo ay nusqaan iyo nitaakhaba ku noqotey haykalkii iyo haybadii, qaranimo, wadaninimadii,wadarnimadii, sumcadii iyo quraxdii dawladnimo, higsigii iyo habsami usocodkii iyo himilooyinkiila higsanaayey eelagu taamaayey mudada dheer.
 
Shacabka JSL waxaa deeqa oo keliya cadaalad aysi siman ugu wada noolaadaan oo u wadaagaan midhaha dowladnimo, una sinaadaan hantida qaranka si ay udhowrtaan dalkooda iyo deegaankooda. Dhammaanmushtamaca JSL, waxa dhiqi kara oo keliya nabad, walaalnimo, waayeelnimo,iyo wadaagaanfaca iyo agabkaQarankooda.
 
Waxaa wax-garadka siyaasada JSL udhuun daloolaa ay maanta isku wada raaceen in siyaasada guud ee Somaliland ay hada ku jirto marinhabow, madmadow badan iyo Indo sarcaad baahsan oo iska dabowareeg ah oo aan la saadaalin karin lana garan karin qorsheyaasheeda iyo Jihada ay u socoto. waxay xukuumadu ku fashilantay in ay noqoto xukuumad ummadda wada deeqda, walaaleysa,dhex u noqota, oo dhayda diiftii iyo dildilaacii ay reebtay doorashadii dhamaatay ee la soo dhaafay.Waxaana xukuumada looga fadhiyaa in aydalka ka dhigto Somaliland loo siman yahay oo lawada leeyahay si ay shacabku u noqdaan ul iyo diirkeed, hal qoys oo wax walba wadaaga oo ilaashada danahooda iyo dantooda guud.
 
Alleh ayaa Mahad iyo mudnaanba leh,
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London
inafidhinle@gmail.com

 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip