Dadweyne isku tashaday oo qabtay howl laga sugayay Maamulka Gobolka Banaadir

0
Sunday February 03, 2019 - 22:58:01 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dadweyne isku tashaday oo qabtay howl laga sugayay Maamulka Gobolka Banaadir

    Dadweyne isku tashaday ayaa sameeyay howl laga sugayay Maamulka Gobolka Banaadir, iyagoo bilaabay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadweyne isku tashaday ayaa sameeyay howl laga sugayay Maamulka Gobolka Banaadir, iyagoo bilaabay

 inay dayactiraan wadada Isgoyska Fagax ee aada Ex Koontarool Balcad, halkaasoo muddo ay fadhiyeen biyo.


Wadadan oo ku dhow Isgoyska Fagax ayaa gaadiidka iyo dadweynaha ka wareegi jireen, iyagoo mari jiray waddo xaafadaha marta.

Gawaarida katarbiilada ayaa saaka lagu arkayay halka wadada ka xirneyd ee biyo fariisinka noqotay, waxaana gawaarida ay xaaqayeen carro iyo dhoobo wadada xirtay.

Qaar ka mid ah dadkii is abaabulay ee howshan qabtay ayaa sheegay in muddo ay dhibaato ku qabeen wadadan oo ay aheyd biyo fariisin ka dhashay roobabka ka da’ay Muqdisho.

Maamulka Gobolka Banaadir ayay ku eedeeyeen inay gabeen kaalintii ka saarneyd u adeegida bulshada, iyagoo sheegay inay bixiyaan canshuurta, balse aysan helin adeegyadii ay u baahnaayeen.

Dadweyne isku tashaday
1of 5
 
 
 
 
 

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip