Xasan Sheekh iyo xubno ka tirsan Xisbigiisa UPD oo lagu soo dhoweeyay Beledweyne

0
Tuesday February 05, 2019 - 23:30:48 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasan Sheekh iyo xubno ka tirsan Xisbigiisa UPD oo lagu soo dhoweeyay Beledweyne

    Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ahna Guddoomiyaha Xisbiga Nabadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ahna Guddoomiyaha Xisbiga Nabadda

iyo Horumarka UPD ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne, halkaasoo lagu soo dhoweeyay.


Xasan Sheekh ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyay xubno ka tirsan Golaha Fulinta Xisbiga iyo Xildhibaano Golaha Shacabka ee ka tirsan Xisbigaas.

Waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar iyo Mas’uuliyiinta maamulka degmada, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu la kulmo Ugaas Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo abtiyeyaashiisa ay yihiin, waxaa la filayaa qeybaha kala duwan dhaqanka Gobolka Hiiraan iyo bulshada deegaanka uu la kulmo.

Ammaanka halka la dejiyay Xasan Sheekh ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo amnigiisa ay ka qeyb qaadanayaan Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM ee ku sugan Beledweyne.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip