Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay dhaq dhaqaaqyada cusub ee ku soo kordhay Gobolka Geeska Afrika

0
Tuesday March 05, 2019 - 12:10:18 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay dhaq dhaqaaqyada cusub ee ku soo kordhay Gobolka Geeska Afrika

    Ra'iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa waxba kama jiraan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa waxba kama jiraan

ku tilmaamay in Soomaaliya ay qoonsatay dhaq dhaqaaqyada cusub ee ka jira Gobolka, kaddib isbaheysi cusub oo dhex maray dalalka Itoobiya, Kenya iyo Eritrea, iyadoo maalin ka hor shir saddex geesood ah uu madaxda dalalkaas ku dhex maray magaalada Asmara.

 

Wareysi uu siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayuu ku sheegay in aan si qaldan loo turjumin marka ay dhaq dhaqaaqyo ay sameynayaan dalalka gobolka, taasoo uu xusay in Soomaaliya hormuud u tahay, isla markaana ay ku niyadsan yihiin walaalaha Geeska Afrika inay gacmaha is qabsadaan.

"Mar walba waxaa dooneynaa in aan caddeyno in Soomaaliya ay tahay dal nabad ah, dal qeyb ka ah geeska afrika, dal wadajirka iyo wada noolaanshaha nabadeed raba mar walba, in aan si qaldan loo turjumin marka ay jiraan dhaq dhaqaaqyo Gobolka oo wadamada saaxibadeen iyo walaalaheena ay sameynayaan, taas anaga hormuud ayaa u nahay, mar walba waa ku niyadsanahay walaalaha geeska iyo gobolka in gacmaha la is qabsado iyo dhaqaalaha la isku furo”ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Mar uu ka hadlayay arrinta Kenya iyo muranka Badda ayaa waxaa uu tilmaamay in Kenya iyo Soomaaliya uu ka dhaxeeyo xiriir iskaashi oo qoto dheer, isla markaana arrinta Badda xalkeeda laga war sugo Maxkamadda Caalamiga ah, ayna arrintaas u deynayaan Maxkamadda sida uu yiri.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Addis Ababa, kaddib markii uu martiqaad ka helay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

Warar soo baxayay ayaa sheegaya in Soomaaliya walaac ka muujisay Isbaheysiga cusub ee Kenya, Itoobiya iyo Eritrea, kaddib markii maalin ka hor uu magaalada Asmara ka dhacay shir saddex geesood ahaa oo Madaxda dalalkaas dhex maray.

Loolanka Istiraatiijiyadeed ee Gobolka ayaa soo xoogeysanayay sanadihii u dambeeyay, waxaana socday qorshayaal uu waday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo ahaa Iskaashi iyo Is dhex gal dalalka Gobolka Geeska Afrika.

Kenya oo xilligan Xiisad diblonaasiyadeed kala dhaxeysa Soomaaliya ayaa durba ku soo baraarugtay is bedelka ka socda Gobolka iyo Isbaheysiga ka dhex sameysay Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya.


 
 
 

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip