Xarumo Al-shabaab oo la bur buriyay gobolka Shabeellaha Hoose

0
Sunday March 10, 2019 - 10:08:33 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xarumo Al-shabaab oo la bur buriyay gobolka Shabeellaha Hoose

    Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa faah faahin ka bixiyay howlgallada Ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa faah faahin ka bixiyay howlgallada Ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya

 iyo kuwa Mareykanka ka fuliyaan deegaanada Al-Shabab ay kaga sugan yihiin gobolkaas.

 

 

Maxamed Ibraahim Barre guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo saxiibadooda taageeraya ay howlgalladii ugu dambeeyay ay ka fuliyeen Gobolka ay ku guuleysteen in ay bur buriyaan xarumo ay lahaayeen Al-shabaab.

 

Waxaa uu intaa ku daray in ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya ay sidoo kale weerarro cir iyo dhul ah ay ku qaadeen Saldhigyo Ururka Al-Shabaab ay kaga sugnaayeen deegaanada, Awdheegle, Bariira, Janaale, Tuulada Dacare iyo Kuunya Barrow.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in deegaannadan lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo qaraxyo diyaarinayay sidoo kalena la bur buriyey xarumo ay gaadiidka lacag uga qaadi jireen sida uu hadalka u dhigay.

Al-shabaab wax war ah kama aysan soo saarin sheegashada maamulka gobolka Shabeellaha ee burburita xarumo ay ku lahaayeen gobolka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip