Qaraxyo khasaare sababay oo ka dhacay gobolka Baay Share

0
Wednesday March 13, 2019 - 20:29:12 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaraxyo khasaare sababay oo ka dhacay gobolka Baay Share

    Deegaanka Goofguduud oo qiyaastii 30km u jira magaalada Baydhabo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Deegaanka Goofguduud oo qiyaastii 30km u jira magaalada Baydhabo

 ayaa lagu soo waramayaa in maanta ay ku dhaceen qaraxyo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

 

Qaraxan ayaa ka dhacay, suuq ay Arbaca dadku isugu yimaadaan ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen Shan ruux halka tiro ka badan 40 ruuxna ku dhaawacmeen.

 

Gaar ahaan qaraxyada ayaa lagu bartilmaameedsaday Suuqa Xoolaha lagu iibiyo ee deegaanka Goof-gaduud Buureey, waxaana halkaa ku sugnaa dadweyne aad u faro badan oo halkaa ganacsi u joogay.

Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin Yuusuf Gacma ayaa u sheeegay warbaahinta in miino lagu aasay suuqa dhaxdiisa oo ay dad Shacab ah ku sugnaayeen,waxana uu sheegay in uu jiro khasaaro ka dhashay qaraxaas.

Ma jirto cid sheegatay ilaa iyo hadda in ay ka dan-beysay qaraxyada maanta ka dhacay deegaanka Goofguduud oo dhowr jeer oo hore ay ku dagaalameen ciidamada dowladda iyo Al-shabaab.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip