Darawalada Gaadiidka Mooto Bajaajka oo dibadbax ka dhigay Muqdisho

0
Monday April 01, 2019 - 18:55:55 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Darawalada Gaadiidka Mooto Bajaajka oo dibadbax ka dhigay Muqdisho

    Isgoyska KM4 waxaa isku socodka dadka iyo gaadiidka xayiray dibadbax ay dhigayaan Darawalada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isgoyska KM4 waxaa isku socodka dadka iyo gaadiidka xayiray dibadbax ay dhigayaan Darawalada

ku shaqeysta gaadiidka yaryar ee Mooto Bajaajka, kuwaa oo ka cabanaya dilalka joogta noqday oo ay ciidamada dowladda ku hayaan.

 

Dilkii ugu danbeeyay ayaa askari ka tirsan waaxda canshuuraha dowladda Soomaaliya waxaa uu mid ka mid ah darawalada Mooto Bajaajka uu ku dilay degmada Waabari, taasoo caro weyn ku abuurtay dhalinyarada ku shaqeysatay gaadiidkan.

 

Falka lagu toogtay darawalka waxaa ka hadlay duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow oo sheegay in askariga toogashada geystay lagu magacaabo Maxamed Deeq Cabdi Aadan oo sida uu hadalka u dhigay guddoomiyaha ay ku raad joogaan ciidamada Amniga.

Dibadbaxan ka soconaya Isgoyska KM4 ayaa hakad galiyay isku socodka gaadiidka oo markii horeba dhibaato ku qabay xirnaashaha jidadka.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa siweyn loogu eedeeyaa in dilalka darawalada ku shaqeysta gaadiidka yar yar ee Bajaajka, kuwaa oo qaarkood loo dilo lacago sharci darro ah oo ay ka biyo diidaan in ay siiyaan ciidamada dowladda


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip