Mas'uuliyiinta laamaha Amniga dowladda oo looga yeeray Golaha Shacabka

0
Thursday April 04, 2019 - 11:54:21 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mas'uuliyiinta laamaha Amniga dowladda oo looga yeeray Golaha Shacabka

    War Qoraal ah oo ka soo baxay guddoonka Golaha Shacabka ayaa waxaa laga dalbaday Wasiirada Gaashaandhigga, Amniga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Qoraal ah oo ka soo baxay guddoonka Golaha Shacabka ayaa waxaa laga dalbaday Wasiirada Gaashaandhigga, Amniga

 iyo taliyayaasha ciidamada Booliiska iyo Nabad-sugida in ay hor yimadaan xildhibaannada maalinta Sabtida ah loo balansan yahay in laga dooddo Amniga guud ahaan dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho.

 

Xildhibaannada ayaa lagu wadaa in ay mas’uuliyiinta wax ka weydiiyaan xaalada Amni ee dalka oo maalmihii la soo dhaafay aheyd mid aad u xun, iyada oo sidoo kale ay socdaan howlgallo baaritaano ah.

 

Qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ku dooddaya in shaqada ugu weyn ee golaha u taala tahay sidii ay xukuumadda ugula xisaabtami lahaayeen Amniga iyo sababta wax looga qaban waayay qaraxyada iyo weerarrada Al-shabaab ay ka fuliyaan magaalada Muqdisho

Qoraalka ka soo baxay guddoonka Golaha Shacabka :


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip