Isku socodka magaalada Muqdisho oo la hakiyay

0
Thursday April 11, 2019 - 11:51:17 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isku socodka magaalada Muqdisho oo la hakiyay

    Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa guud ahaanba maanta hakiyay isku socodka gaadiidka dadweynaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa guud ahaanba maanta hakiyay isku socodka gaadiidka dadweynaha

 ee magaalada Muqdisho kaddib markii ay sidaa iclaamiyeen laamaha Amniga dowladda.

 

Guud ahaanba waxaa saakay la diiday in gaadiidku shaqeeyaan habkii kala wareega ee markii horeba uu Shacabku ka cabanaya, waxaana la arkayaa dadweynaha goobahooda shaqo iyo waxbarasho tagaya oo lugeynaya dhamaanba dariiq-yada Muqdisho

 

Laamaha Amniga ayaa sheegay in sababta ay sidan u sameynayaan tahay qabashada munaasabada 12ka April maalinta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo la soo hormariyay lagana dhigay 11ka bishan oo ku beegan maanta oo Khamiis ah.

Muqdisho ma jirto dhowr maalmood oo xiriir ah oo ay caadi u shaqeynayaan gaadiidka dadweynaha, taasoo ay dhibaato weyn ku qabaan shacabka ku dhaqan magaalada oo dhowr jeer oo hore cabashadooda xirnaashiyaha jidadka u gudbiyay dowladda dhexe ee federaalka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip