Askari toogasho ku dilay darawal mooto Bajaaj oo gacanta lagu dhigay

0
Wednesday May 08, 2019 - 20:00:15 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askari toogasho ku dilay darawal mooto Bajaaj oo gacanta lagu dhigay

    Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay askari subaxnimadii hore ee saakay toogasho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay askari subaxnimadii hore ee saakay toogasho

ku dilay darawal Mooto Bajaaj Isgoyska Tarbuubka ee magaalada Muqdisho.

 

Mid ka mid ah darawalada kaxeeya gaadiidka Mooto Bajaajka oo dhacdada dilka darawalka goob joog u ahaa ayaa sheegay in ka hor inta aysan toogashada dhicin uu muran dhaxmaray askariga iyo marxuumka '' Muran kaddib ayuu darawalku yiri Bani'aadam Anniga oo kale ah ayaa tahay maxaad sameyn kartaa... kaddib askariga ayaa ku jawaabay waxa aan sameyn karo waad arki doontaa.. rasaas ayuuna madaxa uga furay'' ayuu yiri goob joogaha oo inaa ku daray in marxuumka uusan helin wax gurmad ah.

 

Ciidamo ka tirsan dowladda ayuu sheegay in ay goobta soo gaareen kuwaa oo qoriga ka qaaday askariga dilka geystay'' Qoriga ayeey ka qaadeen meel darbi ah ayaa la fadhiisiyay....qof xor ah ayuu u ekaa telleefoon ayuu isaga hadlayay....wax yar kaddibna gaari ciidan ayaa yimid oo lagu qaaday ayuu yiri darawalka u waramay warbaahinta ee dhacdada goobjooga u ahaa.

Jen. Zekiya Xusseen Axmed oo ah taliye ku-xigeenka Booliiska Soomaaliyeed oo qoraal kooban soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa sheegtay in aysan marnaba ogolaaneynin in askarta ay dhibaato u geystaan Shacabka, iyadoo shaacisay in sharciga la marsiin doono Askariga gacan ku dhiiglaha ah

 

Waa darawalkii ugu horeeyay ee Mooto Bajaajle ah ee lagu dilo magaalada Muqdisho bisha Ramadaan, iyadoo horay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya siyaabo kala duwan magaalada Muqdisho ugu dileen darawalada ka shaqeystay gaadiidka Mooto Bajaajka, waxaana rabashado dilalkan ka dhashay ku dhintay dad u badnaa shacab iyo askar ka tirsan ciidamada dowladda.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip