Dowladda Soomaaliya oo si deg deg ah ugu yeertay safiirrada ka jooga Suudaan iyo Masar

0
Wednesday May 29, 2019 - 15:05:38 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo si deg deg ah ugu yeertay safiirrada ka jooga Suudaan iyo Masar

    Dowladad Soomaaliya aya maanta muddo toddobaad ah ugu yeertay inay dalka ku soo galaan safiirrada Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladad Soomaaliya aya maanta muddo toddobaad ah ugu yeertay inay dalka ku soo galaan safiirrada Soomaaliya
 u fadhiya dalalka Suudaan iyo Masar,sida lagu sheegay war ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda.

Ma jirin faahfaahin laga bixiyay sababta loogu yeeray sida dhaqsada ah inay dalka u soo galaan labada danjire ee dalalka Suudaan iyo Masar u fadhiya Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar ,Cabdiqani Maxamed Waceys oo ah iyo Xoghayaha Joogtada ee Jaamacadda Carabta ayaa muddo afar sano hayay xilkaas, tan iyo markii uu geeriyooday safiirkii hore, halka Cabdirisaaq Shoole , safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Suudaan sannadkii hore loo magacaabay xilka safaaradda, isagoo ka mid ahaa xilligii la magacaabayay Agaasime kuxigeennada madaxtooyada Villa Somalia.

Balse u yeerista safiirka ayaa ku soo aaddaysa xilli la filayo dowladda inay isbeddelo ku sameyso safiirrada u jooga dalalka caalamka, waxaana dhowaan golaha wasiirrada ay darajada safiirnimo u dalacsiiyeen illaa shan safiir.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip