Dawladda Holland Oo Aqoonsatay Baasaaboorka Soomaaliya

0
Wednesday May 29, 2019 - 15:12:58 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Holland Oo Aqoonsatay Baasaaboorka Soomaaliya

    Dowlada Soomaaliya ayaa shaacisay in Dalka Holland oo kamid ah wadamada kuyaala

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowlada Soomaaliya ayaa shaacisay in Dalka Holland oo kamid ah wadamada kuyaala

 Qaarada Yurub uu aqoonsaday baasaboorka Diblumaasiga iyo kan shaqaalaha dowlada Soomaaliya .

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Danjire Cali Saciid Faqi ayaa shaaca ka qaaday in Holland si rasmi ah u aqoonsatay baasaboorka diblumaasiga iyo kan shaqaalaha Soomaaliya, waxa uuna xusay in hada kadib dalkaasi lagu gali karo baasaboorkaasi.

 

"Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan idin la wadaago in dowladda Netherlands ay aqoonsatay Baasaboorka Diplomaasiga iyo kuwa Service-ka laga soo bilaabo May 15 2019, Baasaboorada la aqoonsaday waxaa laga soo bilaabay kuwa la bixiyay 2014-ka” ayuu yiri Cali Fiqi.

Dowlada Soomaaliya ayaa ku guuleesatay in ay hormariso baasaboorka Soomaaliya oo hada wadamo badan lagu gali karo, waxaana horey baasaboorka Soomaaliya gaar ahaan kan diblumaasiga iyo shaqaalaha u aqoonsaday wadamo qaarkood Yurub ku yaalaan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip