Xuska 26 June oo xalay lagu qabtay magaalada Baydhabo

0
Wednesday June 26, 2019 - 16:25:44 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xuska 26 June oo xalay lagu qabtay magaalada Baydhabo

    Munaasabad loogu dabaal-deggay sannad guurada 59-aad ee ka soo wareegtay xornimadii gobollada Waqooyi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabad loogu dabaal-deggay sannad guurada 59-aad ee ka soo wareegtay xornimadii gobollada Waqooyi
 ee dalka ayaa xalay lagu qabtay magaalada Baydhabo ,iyadoo ay ka qeybgaleen madaxweynaha dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed, guddoomiyaha Baarlamaanka ee maamulka , mas’uuliyiin iyo qeybaha bulshada.

Guddoomiyaha Baarlamanka Koonfurgalbeed Soomaaliya , Cabdiqaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa xafladda ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysa isagoona Ku dheeraadey taariikhada xornimada gobollada waqooyi, oo ka soo wareegatey 59-sanno, wuxuu marka hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa hadal dheer ka jeediyay munaasabadda, wuxuu ku dheeraaday muhiimada ay bulshada Soomaaliyeed u leedahay maalmaha xoriyadda, isagoo marka u rajeeyay bulshada Soomaaliyeed midnimo iyo isku duubni bulsho.

Munaasabaddan ayaa furitaan u ah toddobaadka xorriyadda dalka, iyada oo maalmaha 26ka Juun ilaa 1-da Luulyo ay yihiin maalmo qiimo weyn ku leh sooyaalka umadda Soomaaliyeed iyo halgankii gobonnimo doonka.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip