Cawaale Cabdulaahi Faarax(Hoolif) oo u Tartamaya Xubin Golaha Dagaanka ee Mag.Kent ee Washington oo Minneapolis lagu Taageeray

0
Sunday June 30, 2019 - 19:22:05 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cawaale Cabdulaahi Faarax(Hoolif) oo u Tartamaya Xubin Golaha Dagaanka ee Mag.Kent ee Washington oo Minneapolis lagu Taageeray

    Gobolka Minnesota waxaa lagu qabtay xafladd lagu taageeryay Cawaale Cabdulaahi Faarax (Hoolif)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gobolka Minnesota waxaa lagu qabtay xafladd lagu taageeryay Cawaale Cabdulaahi Faarax (Hoolif)

oo u sharaxan xubin golaha degaanka ee magaaladda Kent ee dagmada King ee gobolka Washington,Cawaale ayaa doonaya in uu ka mid noqdo todabadda qof ee xubnaha ka ah maamulka magaaladdaas, kulankan ka dhacay Minneapolis ayaa ahaa mid taageero loogu muujinaayey musharaxnimada Cawaale.

thumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnail
Xafladdaan oo ay soo buux dhaafsheen dadwaynaha kala duwan ee ku dhaqan gobolkaan Minnesota ayaa waxaa iyaguna goobta ka hadlay siyaasiinta Soomaali Maraykanka ah ee laga soo doorto xafiisyada kala duwan ee Minnesota ayaa dhamaantood ka soo qaybgalay kulankaan,waxayna kalaahayeenMaxamud Nuur , Hodan Xasan, Cabdi Warsame,Siyaad Cali iyo C/qadir Xasan AK oo xilal kala duwan ka haya gobolkaan ayaa aad si wadajira u soo dhaweeyey Cawaale Faarax waxayna dadka dagan gobolka Washington iyo magaalooyinka Kent u dhow sida tan Soomaalida ku badan tahay ee Seatle ay hawada u mariyeen in garab istaag buuxa loo sameeyo Awale farah.

 

Cawaale Cabdulaahi Faarax Hoolif ayaa sida la sheegay daganaa gobolka Washington waqti aad u dheer isagoo dalkaan ka bartay cilmiga injeernimada kana soo shaqeeyey shirkado waawayn sida tan diyaaradaha Boeing iyo shirkada AT&T.

Caawale waxaa kursigaan kula tartamaya sadax qof oo kale , waxuuna HOL u sheegay in uu taageero buuxda uu siiyey shaqsigii baneeyey xilkaan, dadka dagan magaaladana ay u badan yihiin dad taageera xisbiga dumuriqaadiga isaguna uu yahay musharaxa qura oo xisbigaa ku tartamaya,waxay doorashada kowaad dhacaysaa bish Ogoosto 6 2019,labada musharax ee ugu cod bata ayaa kala baxaya bisha Novenber 5 2019.

Boqol iyo sodon kun dad kor dhaafay ayaa dagan magaaladda uu Cawaale xilka ka dooonayo Soomaalida dagana waxaa lagu qiyaasaa ilaa Afar kun oo qof, lakiin waa magaalo ay dagan yihiin qoomiyado kala duwan kuwaas ayaana ku tashanayaa codkooda ayuu yiri musharaxan.

Xafladii Taageerada ahayd ee loogu qabtay Cawaale Faarax Minnesota ayuu ka jeediyey khudbad uu uga hadlay dhibaatooyinka haysta ganacsatada Soomaalida ah ee dagan Seatle Washington, waxuuna ka sheegay in xilkaan uu u doonayo in uu cod u noqdo dadka laga tirada badan yahay ee dagan dagaankaas.

Intii xafladaan socday ayaa lagu soo bandhigay ciyaaraha hidaha & dhaqanka oo ay soo bandhigeen kooxda matxafka qaranka ee Minnesota, gabayo iyo buraanburo ayaa iyaguna goobtaa laga soo jeediyey.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip