Ra'iisul Wasaare Kheyre oo safar dhulka ah ku tegey Gaalkacyo

0
Monday July 08, 2019 - 16:57:39 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Kheyre oo safar dhulka ah ku tegey Gaalkacyo

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi

uu hoggaaminayo oo safar dhulka uga soo baxay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

 

Wafdiga uu Ra’iisul Wasaaruha hoggaaminayo ayaa waxaa magaalada Gaalkacyo ku soo dhaweeyay xildhibaanno mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Magalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu ku sugan yahay Magalada Gaalkacyo waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Odayaasha & waxgaradka magaaladaas, isaga oo kala hadli doona tabashada ay qabaan iyo sidii loo dhisi lahaa Galmudug mideysan.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre ayaa sii xoojiyay dadaalada uu ku doonayo inuu ku qarameeyo ciidamada maleeshiyo beeleed ah oo haysta hub faro badan kuwaasoo ku sugan gobolada dhexe ee dalka.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in ra’iisul wasaare Kheyre uu booqasho ku tago deegaano ka tirsan maamulka Koofurgalbeed halkaas oo uu ay ku sugan yihiin maleeshiyo beeleedyo hubeysan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip