Madaxweyne Farmaajo oo martiqaad ka helay dhiggiisa dalka Ruushka

0
Wednesday July 10, 2019 - 18:16:15 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo martiqaad ka helay dhiggiisa dalka Ruushka

    Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqanaya dalka Ruushka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqanaya dalka Ruushka
 isagoo ka qeybgalaya shirweyne dalkaas ka dhacaya.

Madaxweynaha ayaa maanta ka guddoomay safiirka cusub ee dowladda Ruushka u fadhin doona Soomaaliya martiqaad rasmi ah oo uu uga siday Madaxweynaha Ruushka,Vladimir Putin.

Marti-qaadka ayaa la xiriira ka qeybgalka shirka Afrika ee dabayaaqada sannadkan ka dhacaya magaalada Sochi ee dalka Ruushka.

Dowladda Ruushka ayaa sidoo kale ballanqaaday inay dib usoo celin doonto xiriirkii adkaa ee labada dal, iyadoo safiirka cusub oo sheegay arrintaa inuu ka shaqeyn doono uu u gudbiyay madaxweynaha inuu Ruushka diyaar u yahay sidii uu dowladda Soomaaliya gacan uga siin lahaa tababarada shaqaalaha rayidka ah iyo laamaha ammaanka.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip