Mid ka mid ah Maxaabiistii Dhaawaca ahayd ee Kornayl Caare laga qabtay Oo Xalay Lagala Baxay Cisbitaalka Ceerigaabo iyo Hawl Wadeeno Loo Xidh Xidhay + Maxaabiistii kale Oo Guuri lagaga soo saaray.

0
Thursday July 11, 2019 - 14:15:09 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mid ka mid ah Maxaabiistii Dhaawaca ahayd ee Kornayl Caare laga qabtay Oo Xalay Lagala Baxay Cisbitaalka Ceerigaabo iyo Hawl Wadeeno Loo Xidh Xidhay + Maxaabiistii kale Oo Guuri lagaga soo saaray.

    Warar lagu kalsoon yahay oo aanu Xalay la ka helnay Magaalada Ceerigaabo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar lagu kalsoon yahay oo aanu Xalay la ka helnay Magaalada Ceerigaabo

 ayaa noo xaqiijiyay in mid ka mid ah Laba Maxbuus oo dhaawac ahaan Shalay dagaalkii lagaga qabtay Jabhadda Kornayl Caare in lagala baxay Cisbitaalka CEERIGAABO.

Wararkan oo ay noo xaqiijiyeen sidoo kale wararyayaasha ka hawlgalaa, waxaa Maxbuuskaasi xalay fiidkii si qarsoodi ah looga saaray Cisbitaalka taasi oo loo aanaynayo inay la baxeen ehelada Maxbuuskaasi oo deegaan ahaan kasoo jeeda Magaalada Ceerigaabo. Waxa kiiskaasi loo taxaabay dhawr qof oo ka tirsan Hawlwadeenada Cisbitaalka oo wakhtiga hawshaasi dhacday Shaqadda Cisbitaalka kujiray, iyo sidoo kale askartii gaadhka ka haysay. Maxbuuskaasi Cisbitaalka lagala baxay ayaa dhaawac halis ahi kaga yaalay afka waxaana haleeshay Rasaastii Ciidanka Qaranku ridayeen.

Image result for Isbitaalka CEERIGAABO

Dagaalkii shalay deegaanka Goob oo 45-km Bari ugu toosan Ceerigaabo ku dhex maray Ciidanka QARANKA SOMALILAND iyo Jabhadda Kornayl Caare ayaa sida la sheegay waxay Ciidanka Qaranka Somaliland ku soo qabsadeen Hal gaadhi iyo 9-maxbuus oo nolol lagu keenay Ceerigaabo oo laba dhaawac ahaayeen.

Wararkan ayaa sheegaya in 8-dii maxbuus ee kale oo mid dhaawac qabay in xalay Guure lagaga soo saaray Ceerigaabo islamarkaana loo soo dhaafiyay dhinaca Hargeysa.

Xaaladda Magaalada Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag oo Shalay galabtii mudaharaado ka dhaceen ayaa xalay deganayd.

Related image


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip