Marekanka oo cunaqabateyn saaraya Turkiga

0
Sunday July 14, 2019 - 14:45:59 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Marekanka oo cunaqabateyn saaraya Turkiga

    Marekanka ayaa iskudayaya inuu ku ciqaabo dowladda Turkiga go'aanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marekanka ayaa iskudayaya inuu ku ciqaabo dowladda Turkiga go'aanka
ay ku iibsatay gantaallada nidaamka difaaca ee S 400 oo dalka Ruushka lagu farsameeyo, sida uu ku warramay wargeyska Bloomberg ee ka soo baxa Maraykanka.

Warbixinta wargeyska ayaa lagu sheegay toddobaada ina soo aaddan inuu Marekanka qorsheynayo cunaqabateyn uu saaro Turkiga,iyada oo kooxda madaxweyne Donald Trump horey u garwaaqsadeen xirmooyin cunaqabatayn oo ka dhan ah Turkiga.

Hoggaanka guddiyadda Aqalka Senateka ee Marekanka u qaabilsan arrimaha ciidanka iyo xiriirka dibadda ayaa war qoraal ah oo ay wadajir usoo saareen waxay ugu baaqeen Madaxweyne Trump inuu cunqabatayn ku soo rogo Turkiga.

Wasaaradda difaaca Turkiga ayaa toddobaadkii hore xaqiijisay in qeybtii ugu horreysay ee gantaallada nidaamka difaaca ee S 400 ay soo gaareen ciidda Turkiga , waxaana qeybtaa la geeyay saldhig ku dhow caasimadda Ankara.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip