Guddoonka Baarlamaanka oo warbixin ka dhageystay wasiirka qorsheynta

0
Sunday July 14, 2019 - 18:18:06 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoonka Baarlamaanka oo warbixin ka dhageystay wasiirka qorsheynta

    Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan
 iyo ku-xigeenkiisa koowaad ayaa maanta kullan xog wareysi ah la yeeshay Wasiirka wasaaradda qorsheynta,maalgashiga iyo horumarinta ganacsiga Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka Qorsheynta, Jamaal Maxamed ayaa guddoonka golaha Shacabka usoo bandhigay Qorshaha wasaaradda qorsheynta, iyadoo la tashi kala sameyneysa dhammaan hay’adaha Dowladda iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

"Wasaaraddu waxay diyaarinaysa shuruuc badan oo la xiriira qorsheynta iyo maalgashiga, qaarkoodna ay gaba gabo marayaan oo uu ka mid yahay sharciga NGO-yada si golaha Shacabka loo horgeeyo." ayuu yiri wasiir Jamaal oo ka warramayay kullanka.

Guddoomiyaha golaha Baarlamaanka, ayaa wasaaradda qorsheynta madaxdeeda uga mahad celiyay la tashiga ay la sameyneyso hay’addaha dowladda , wuxuuna sheegay in goluhu uu diyaar u yahay dedejinta shuruuc walba oo dalka muhiim u ah.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip