Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Wakiilka QM iyo Safiirka Britain

0
Sunday July 21, 2019 - 18:26:28 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Wakiilka QM iyo Safiirka Britain

    Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

 ayaa wadajir u qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan iyo Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender.

 

Madaxweynaha ayaa kala hadlay Wakiilka iyo Danjiraha muhiimadda ay u leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya in lagu gacan siiyo dhammeystirka qorshaha deyn cafinta Soomaaliya, u diyaar garowga doorashooyinka 2021-ka iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.

 

Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa dhankooda waxaa ay balan qaadeen in ay siweyn ula shaqeyn doonaan dowladda Soomaaliya,isla markaana ay taageero siin doonaan.

Shalay ayaa sidoo kale Madaxweyne Farmaajo waxaa uu la kulmay wafdi ka socda Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD oo uu hoggaaminayey Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Mudane Thabo Mbeki.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip