Madaxweyne Biixi oo sheegay in la soo afjarayo colaadii ka taagnayd gobolka Sanaag

0
Thursday July 25, 2019 - 18:20:20 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Biixi oo sheegay in la soo afjarayo colaadii ka taagnayd gobolka Sanaag

    Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa sheegay in shaqaaqada colaadeed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa sheegay in shaqaaqada colaadeed
 ee muddada ka taagnayd deegaanka Ceel-Afweyn iyo guud ahaanba gobolka Sanaag la soo afjarayo oo ay gabogabo ku dhowdahay.

Sidaas waxa uu ka sheegay maanta mar uu ka hadlayey mashruuc ay shirkadda Dahabshiil dalka ku keenayso gaadiid casri ah, ayaa bulshada ugu bushaareeyey in laga gudbay dhammaanba caqabadihii hor taagnaa colaadahaas, marka laga tago waafajinta heshiiska ee dhinaca sharciyadda, waxana isaga oo arrintaas ka hadlaya uu yidhi, "Arrinta Ceerigaabo nabad baa ka jirta, warwarna kama qabno inay nabad ku dhammaanayso, dadkaa halkaas isugu tegay, kuwa sii joogay iyo kuwa u tegayba dhammaanteen waxa aynnu heshiis ku nahay inay arrintaas nabad ku dhammaato oo ay islaax dhexdeenna ah ku dhammaato oo aanay waxba inaga duul duulin, sidii sharciga loo waafajin lahaa uun baa la is weydiinayaaye, maanta halkaas khilaaf ka taagan oo la isku diiddan yahay dawlad, odayaal iyo dhallinyaradeennii cadhootay midna ma jirto, qodobbo yar yar uun baa la xallinayaa sidii sharciga loo waafajin lahaa, taana ka war war la’aada nabad bay kusoo dhammaanaysaaye, dalkuna waa nabad.”

Hadalka madaxweynaha, ayaa daba socda isku dayo ay muddooyinkii ugu dambeeyey ku hawlannaayeen madax-dhaqameed iyo waxgarad reer Somaliland ah oo u guntaday sidii colaadda gobolka Sanaag loo soo afjari lahaa, kuwaas wada-shaqaynba ka helay xukuumadda iyo guud ahaanba maamulka gobolka Sanaag.

Sidoo kale, waxa iyana la soo afjarayaa jabhadii uu samaystay Col:Caare ee saldhigeedu ahaa magaaladad Qardho, taas oo uu markii dambe iskaga guurey,isla markaana waanwaan iyo wada hadal u bilaabmay Caare iyo xukuumadda oo ay xidhiidhinayaan odayaal ka soo jeeda deegaanka Caarre.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip