Soomaaliya oo oggolaatay ballaarinta howsha Ergada Ururka Iskaashiga Islaamka ee Muqdisho

0
Wednesday July 31, 2019 - 17:46:48 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya oo oggolaatay ballaarinta howsha Ergada Ururka Iskaashiga Islaamka ee Muqdisho

    Dowladda Soomaaliya ayaa shalay oo Talaado ah kula saxiixatay Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Soomaaliya ayaa shalay oo Talaado ah kula saxiixatay Muqdisho

heshiis Ururka Iskaashiga Islaamka si loo unko xarunta Ergo Goboleedka Ururka Iskaashiga Islaamka ku yeelanayo Soomaaliya, kaasi oo ka dhigaya xafiiskii hore ee Iskuduwidda howlaha bani’aadannimada Ergo goboleed dhammaystiran oo ku suntan howlaha siyaasadda iyo bani’aadannimada.

 

Heshiiska oo ka kooban qoddobo dhowr ah oo iskaashiga iyo isku duwidda dhinac-yada siyaasadda iyo bani’aadannimada ayaa waxaa kala saxiixay Sii-hayaha Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Saciid Xaaji Maxamuud, oo heystay Wakiilashada sharciyeed ee Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Danjire Tarig Ali Bakheet oo ah Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee Arrimaha bani’aadannimada, Dhaqanka iyo Bulshada.

 

Wafdiga oo dhawaaan soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa kulamo kala duwan la yeeshay madaxda ugu sareysa dalka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip