Eng. Yariisow oo berri la aasi doono

0
Saturday August 03, 2019 - 17:46:16 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Eng. Yariisow oo berri la aasi doono

    Guddiga qaban qaabada aaska qaran ee allaha u naxaristo guddoomiyihii gobolka Banaadir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga qaban qaabada aaska qaran ee allaha u naxaristo guddoomiyihii gobolka Banaadir
 iyo duqii caasimadda Muqdisho, marxuun Cabdiraxmaan Cismaan Yariisow, ayaa maanta dib u shaaciyay xilliga meydka marxuunka la soo garsiinayo Muqdisho.

Guddiga ayaa si faah faahsan uga hadlay waxyaabaha dhaliyay inay maanta dib u dhacdo diyaaradda keeni laheyd meydka marxuun Cabdiraxmaan Yariisow, arrintaa ayaa loo sababeeyay inay la xiriirto arrimo farsamo.

Guddiga ayaa sheegay in aaska qaran uu dib u dhacay berri subax saacada marka ay tahay 08:00 AM , sida uu warbaahinta u sheegay wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Eng; Cabdi Canshuur Xasan.

Dalka oo dhan ayaa ku jira baroor diiq, iyada oo calanka hoos loo dhigay.

Injineer Yariisow ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax ka dhacay gudaha xarunta dowladda hoose ee Xamar 24 bishii July, wuxuuna ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Doxa ee dalka Qatar.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip