Xisbiga WADANI oo ka jawaabay eeddo uga yimid xukuumadda Somaliland

0
Sunday August 04, 2019 - 18:55:04 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga WADANI oo ka jawaabay eeddo uga yimid xukuumadda Somaliland

    Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI Md Khadar Xuseen Cabdi ayaa hadalkii wasiirka warfaafinta Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI Md Khadar Xuseen Cabdi ayaa hadalkii wasiirka warfaafinta Somaliland
ka soo yeedhay ku tilmaamay arrin laf jab ku ah qaranka iyo wada jirkiisa.

Xoghaye Khadar ayaaa sheegay in Gudoomiyaha xisbiga WADADNI uu xukuumada usoo jeediyey in arrinta Kornayl Caare lagu dhameeyo wada hadal iyo wanaag, haseyeeyeeshee waxa uu tilmaamay in madaxweyne Biixi dulqaadka u yaqaan doqonimo.

"Marka xisbigu arrin ka hadlo dhaqan baa abuurmay wasiirradeena qaarkood ay doonayaan in aanay ka hadal arrintaas ee ay dadka meelo kale ula kacaan oo ay xannuun iyaga haya iyo meelo ay xoqonayaan la taggaan. Wasiirka warfaafintu hore wuxuu u yidhi xisbiga WADDANI waa Soomaaliweyn, waxa aanu garanayn hadalka uu leeyahay macnaha uu leeyahay iyo saamaynta uu yeelanayo marka uu mushtamac dhan oo xisbiga Qaran ah oo 42% ay u codaysay hadalka leeyahay, marka uu hadalkaas leeyahay hadalkiisu wuu baxaya, luuqado kale ayaa lagu turjumaya, halkii Somaliland wada hadallada ka taagnayd wuu diciifinaya laakiin, in aanu garashada lahayn ayaa hadalkiisa ka muuqata,” ayuu yidhi Xoghaye Khadar Xuseen..

Xoghayaha xisbiga WADDANI waxa uu wasiirka warfaafinta ku eedeeyey in idaacadii iyo Telefishankii uu qaranka uga masuuulka ahaa ay fadhiyaan, taas oo uu ku tilmaamay wasiir shaqadisii ka door biday inuu umadda kala qaybiyo, waxaanu yidhi "Waxaynu ognahay wasiirka sidaa u hadlaya in shaqadiisii dayacan tahay taanu ka hadlaynana waa shaqadiisa siduu u hagaajin lahaa waxa uu maamula wasaarad ka dhaqaale badan saddex wasaaradood oo waliba kuwii muhiimka ahaa ay ku jiraan, haddana sida aad la socotaan Halleeya haddaad tagto idaacadda Radhyow Hargeysa ma dhegaysan kartid, Tv-gii Qaranka qaybtiisii guduhuna ma shaqayso, marka uu Telefishankii iyo idaacad meteli waayay in uu arrimaha waaweyn ee Qaranka madaxda xisbiyadu ka hadlaan uu mirqaan hadlo run ahaantii waxaan isleeyahay in ay dhaawac weyn u gaysanayso sumcaddii, wada jirkii iyo umadnimadii Somaliland anagu ta aanu ka hadlayno ee ku celcelinayna waa arrimahaas.”

Mar uu xoghaye khaddar ka hadlayey arrinta Kornayl Caare waxa uu yidhi "Arrinta Caarre waxaanu ka taaggan nahay waar wada hadal iyo xal iyo wanaag, xikmad iyo odaytinimo ha lagu dhammeeyo oo arrimaha lagu xalliyo, haddii uu wax ka duwan hayo dee ha badheedho oo ha sheego, ha badheedho oo yidhaahdo waanu dagaallamayna halka ay marka la xusho ee la tagto ha arkee laakiin, waxba yaanu ku meeraysan in uu ciidamada wax ka sheego,”

" Waa in uu ogaado (Wasiirka warfaafintu) haddii uu ciidanka Qaranka sumad reer u sameeyo, sumado xisbi haddii ciidanka Qaranka loo sameeyo, haddii ciidanka Qaranka naxli, kala qaybin iyo kala tag lagu abuuro sida hadalka wasiirka ka muuqata askarta ciidanka ku jirta inta ay Cirro isku haybta yihiin in ay Cirro u shaqeeyaan buu u yaqaanna laakiin, sidaas maaha waa ciidan Qaran, Qaranka mushahar ka qaata, qarankooda u dhinta Qarankooda u dagaallama laakiin, in dhegahoodu waxaa afhayeenkii xukuumadda Somaliland ka maqlaan iyaga oo duruufta ay ku nool yihiin aan oganahay oo boqol dollar qaata oo aynu ognahay nolosha qoysaskoodu halka ay taaggan tahay in haddana la reereeyo oo maalin walba dadkii xukuumadda wasiirrada ka ahaa waxaa ciidamada u quudhaan waxaanu u aragna in ay tahay ayaan darro iyo arrin lafjab ku ah wada jirka Qaranka iyo wax walba oo wanaag ku astaysan,” ayuu yidhi Xoghaye Khadar.

Sidoo kale, xisbiga WADANI waxa uu sheegay in waraaq ay kaga cabanayan wasiirka u gudbin doonaan golaha Wakiilada si ay wax uga waydiiyey sababta ciidamada qaranka qaarkood u reeraynayo iyo u xisbiyeynayo, taas oo qaranka u fiicnayn.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip