Kim Jong Un oo digniin adag u diray kuuriyada koonfureed iyo Mareykanka

0
Wednesday August 07, 2019 - 14:26:17 in by abdirizak saleban
  • Visits: 14
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kim Jong Un oo digniin adag u diray kuuriyada koonfureed iyo Mareykanka

    Hogaamiyaha kuuriyada waqooyi mr Kim Jong Un ayaa shaaciyay in tijaabadii ugu danbeysay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hogaamiyaha kuuriyada waqooyi mr Kim Jong Un ayaa shaaciyay in tijaabadii ugu danbeysay

 ee gantaalaha Pyongyang ay tahay fariin ay u dirayaan milatariga kuuriyada koonfureed iyo Mareykanka.


Warbaahinta dowlada ayaa arbacadaan maanta ah sheegtay in mr Kim uu goob joog u ahaa gantaalihii shalay oo talaado aheyd ay tijaabiyeen ciidanka milatariga Pyongyang.

 


Gantaalkan ayaa noqonaya kii afaraad oo mudo 12 maalin ah ay tijaabiso kuuriyada Waqooyi.

Wakaalada wararka ee KCNA ayaa qortay in Kim uu daawaday tijaabinta gantaal cusub oo ah nuuca loogu tala galay meelaha Fog.


Kim Jong Un ayaa sheegay in ay qaadi doonaan talaabo milatari hadii ay dhacdo dhoola tuska Mareykanka iyo kuuriyada koonfureed oo la filayo in ay Bilaabato.

Mr Kim ayaa intaa raaciyay in ficilka Mareykanka iyo kuuriyada koonfureed uu dhibaato ku keeni doono wadahadalada Nuclear-ka ee u dhaxeeya Pyongyang iyo Washington.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip