Dalsan Media Group oo dacwad kusoo oogeysa wasiirka amniga DF

0
Sunday September 01, 2019 - 17:02:50 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dalsan Media Group oo dacwad kusoo oogeysa wasiirka amniga DF

    Dalsan Media Group oo ah Warbaahin ka kooban Idaacad iyo TV, oo xarunteedu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalsan Media Group oo ah Warbaahin ka kooban Idaacad iyo TV, oo xarunteedu

 tahay magaalada Muqdisho ayaa dacwad kusoo oogaysa wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale.

Ducaale ayaa lagu eedeeyey in ilaaladiisa ay 24/8/2019 rasaas ku fureen gaari ay la socdeen ilaa afar ka mid ah shaqaalaha Dalsan Media.

Falkan ayaa ka dhacay agagaarka Isgoyska Shaqaalaha ee wadadda Maka Al-mukarama, waxaana Dalsan Media Group ay sheegtay in rasaas si ku talagal ah loogu furay gaariga shirkadda Dalsan Media Group, taas oo dhalisay khasaaro soo gaaray gaarigga, iyadoo shaqaalihii la socday ay ka badbaadeen, balse ay la kulmeen dhaawac maskaxeed qaarkoodna ilaa iyo haatan ay la il daran yihiin maadaama ku dhawaad 40-Xabadood ay jaha kasta kaga dhacday Gaarigga.

Qareenka u doodaya Dalsan Media Group Daahir Maxamed Cali (Daahir Carab) ayaa warqad Ogeysiin Sharci ah Maanta u diray Wasiirka amniga iyadoo la ogeysiiyey wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, taasoo ku saabsan dhacdadii 24-kii Agoosto.

 

Qoraalka loo diray Wasiirka Islow ayaa looga dalbaday inuu xaliyo falkii lagu rasaaseeyey Gaarigga Dalsan TV isagoo mudeeyey inu ku xaliyo muddo 7-maalmood ah, wuxuuna intaas ku daray in Madaxda Dalsan Media Group ay dhowr jeer la xiriireen Wasiir Islow si ay arrintaas ay ugala hadlaan, hase’ahaatee aanu ka Jawaabin.

Qareen Daahir Carab ayaa qoraalkiisa ku wargeliyey Wasiirka Amniga inuu muddo 7 maalmood ah xal uga gaaro arrintan lana xiriiro madaxda Dalsan Media Group, taas oo haddii aysan dhicin uu raadin doono dariiq sharci ah oo kale si loo difaaco xuquuqda wakiiladiisa.

Halkaan Ka Akhriso Warqadda Qareenka Difaacaya Dalsan Media Group


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip