Amnesty International oo soo dhaweysay xarigga Cabdirashiid Janan

0
Monday September 02, 2019 - 20:53:21 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Amnesty International oo soo dhaweysay xarigga Cabdirashiid Janan

    Hay'adda Xuquuqda Aadanaha u doodda ee Amnesty International ayaa soo dhoweysay xarigga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adda Xuquuqda Aadanaha u doodda ee Amnesty International ayaa soo dhoweysay xarigga
Wasiirka Amniga Gudaha Jubbaland, Cabdirashid Xasan Cabdinur Janan.

Agaasime ku xigeenka hayada Caalamiga ah Amnesty ee Bariga Afrika,Geeska iyo Harooyinka waaweyn Seif Magango ayaa ku tilmaamay xarigga Cabdirashid Janan inuu yahay tallaabo hore loo qaaday oo ah isla xisaabtanka dambiyada waaweyn ee xad-gudubyada la sameeyo.

Waxay soo jeedisay Amnesty International in si degdeg ah maxkamad rayid ah loo horkeeno Cabdirashiid Janan si loogu oogo dambiyada uu geystey.

Cabdirashid Janan ayaa waxaa eedeyn u soo jeediyay kooxda dabagalka ee dalalka Soomaaliya iyo Eritrea, iyagoo ku eedeeyay dambiyo ay ka mid yihiin dil,jirdil,xarig aan sharci ahayn iyo sameynta falal aan sharci ahayn intii u dhexeysay sannadihii 2014 iyo 2015.

Warbixin ay soo saartay kooxdii hore ee la socodka iyo arrimaha Soomaaliya iyo Eritrea (SEMG) sanadkii 2016 iyo 2017 ayaa Cabdirashid Xasan Cabdinur waxa ku eedeysay inuu sameeyay falal ka dhan ah kaalmada aadanaha intii u dhexeysay 2014 iyo 2017.

Booliska Soomaaliya ayaa shalay shaaciyay in ,Cabdirashid Janan laga xirey garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho 31kii bishii August 2019,iyadoo taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed Zakia Xuseen ay sheegtay in Cabdirashid Janan loo haysto dambiyo badan baaritaanana lagu sameyn doono.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip