Dowladda Soomaaliya oo sagootisay Arday deeq waxbarasho ka helay dalka Shiinaha

0
Monday September 02, 2019 - 20:58:56 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo sagootisay Arday deeq waxbarasho ka helay dalka Shiinaha

    37 Arday oo deeq waxbarasho ka helay dalka Shiinaha oo ka mid ahaa Ardaydii sannad-dugsiyeedka 2017/2018

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

37 Arday oo deeq waxbarasho ka helay dalka Shiinaha oo ka mid ahaa Ardaydii sannad-dugsiyeedka 2017/2018
ayaa maanta lagu soo bandhigay magaalada Muqdisho, iyadoo xaflad sagootin ah loo qabtay.

Munaasabadda lagu sagootiyay Ardayda ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha & Tacliinta Sare, Cabdullaahi Goodax Barre ,Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdixaashi Cabdullaahi, Wasiirka Boostada iyo isgaarsiin, Qunsulka Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya, waalidiin iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha & Tacliinta Sare, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka hadlayo ahmiyada ay leedahay horumarinta waxbarashada ardayda Soomaaliyeed islamarkaana ka wasaarad ahaan ay dadaal ku bixinayaan helida deeqdan waxbarasho ee dhallinyarada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa isana ka hadlay garab istaaga Dowladda Shiinaha ay siiso dowladda Soomaaliya taas oo aan aheyn markii ugu horreysay islamarkaana dowladda Shiinaha ay hore dalka ugu fulisay mashaariic ay ka mid yihiin wadooyinka iyo goobaha taariiqiga ah.

Wasiirka wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya, ayaa dhankiisa ka hadlay muhiimada waxbarashadu ay u leedaha dalka iyo in la horumariyo tiknoolajiyada taas oo ahmiyad gooni ah leh .

Qunsulka Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya iyo Dowlada Shiinaha uu ka dhaxeyo xariir qoto dheer kaas oo qeyb ka ah xariirka wanaagsan ee labada dowladood, Qunsulka safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa ballan qaaday in dowlada Shiinaha ay sare u qaadeyso deeqaha waxbarasho oo ay siiyaan Soomaaliya.

Gabagabadii,Waalidiinta ardayda nasiibka u helay deeqaha waxbarasho ee dalka Shiinaha ayaa u mahad celiyaya wasiirka wasaaradda waxbarashada, Cabdullaahi Goodax Barre horumarka uu ugu jiro sidii ardayda Soomaaliyeed ay deeqaha waxbarasho ay ugu heli lahaayeen .

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip