Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay ku qanacsan tahay go'aanka maxkamada ICJ ee dib loogu dhigay dhageysiga dacwadda Badda

0
Friday September 06, 2019 - 16:34:31 in by abdirizak saleban
  • Visits: 8
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay ku qanacsan tahay go'aanka maxkamada ICJ ee dib loogu dhigay dhageysiga dacwadda Badda

    Maxkamada Cadaallada Caalamiga ah ee ICJ ee qaadeysa dacwada Badda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamada Cadaallada Caalamiga ah ee ICJ ee qaadeysa dacwada Badda

 ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya ayaa ugu danbeyntii go'aan ku gaartay in mudo Labo bilood ah dib loo dhigo dhageysiga wajiggii labaad ee doodda labada wadan.

 

 
 
Danjiraha midowga Yurub ee dowladda Soomaaliya Cali Saciid Faqi oo la hadlay BBCda ayaa sheegay in ay ku qanacsan yihiin go'aanka ay gaartay maxkamadda isaga oo yiri'' Annaga markii hore waxaan dalbanay in la gudalo dhageysiga doodda balse haddana waan ku qanacsannahay go'aanka ay gaartay Maxkamada ee dib loogu dhiggay dhegeysiga dacwadda.

 

Cali Saciid Faqi ayaa sheegay in maxkamadu markii ay aragtay dalabka iska hor imanaya ee labada dal go'aanka qaadatay, iyadoo u aragta in muddo Labo bilood ah ku soo diyaar-garoobi karto dowladda Kenya.

''Labo bilood wax badan ma'aha, Kenya dabcan wey ku diyaar garoobi kartaa, waayo markii hore iyagu waxey dalbadeen in la siiyo mudo 12 bilood ah, laakiin hadda maxkamadu waxey go'aan ku gaartay in dib loo dhigo muddo Labo bilood ah oo kaliya'' ayuu hadalkiisa sii raaciyay Danjiraha.

Mar la weydiiyay in laga talo-galiyay go'aankan ka hor inta aysan Maxkamadu qaadan ayuu yiri'' Maya Annaga iyo Kenya midna latashi Maxkamadu kala sameynin go'aankeeda waayo iyada ayaa u madax-bannaan''

Danjire Fiqi ayaa ugu danbeyntii sheegay in ay rajeynayaa in dacwada dib loo furo 04 bisha November ee isla sanadkan oo ku dhamaanaya waqtiga ay Maxkamadu dib u dhigtay.

Lama oga sida ay dowladda Kenya uga fal celin doonto go'aanka ay gaartay Maxkamada Cadaallada ICJ madaama markii hore dalabka dowladda Kenya uu ahaa in muddo 12 bilood ah la siiyo si ay ugu soo diyaar-garoowdo.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip