Ra'iisul Wasaare Khayre Oo Dhagax Dhigay Dhismayaal Lagu Kordhinayo Jaamacadda Ummadda Qaybteeda Caabuudwaaq

0
Friday September 06, 2019 - 16:36:36 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Khayre Oo Dhagax Dhigay Dhismayaal Lagu Kordhinayo Jaamacadda Ummadda Qaybteeda Caabuudwaaq

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre
ayaa maanta dhagax dhigay dhisme ka kooban sedax dabaq oo leh 36 fasal, Maktabad iyo hool shirar oo lagu kordhinayo faraca jaamacadda umadda ee Caabuudwaaq kaas oo bulshada deegaanku ay is-xilqaan ku dhisanayaan.

 

Ra’iisul Wasaaraaha oo ay wehliyeen xildhibaanno ka tirsan labad gole ayaa reer Caabuudwaaq ku ammaanay dadaalka ay ku dhisamayaan jaamacadda ummadda si ay uga qayb qaataan horumarinta waxbarashada sare ee dalka

Bulshada Soomaaliyeed ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ugu baaqayn in ay gacan ka geystaan dhismaha jaamacadda si ay awood ugu yeelato daboolidda baahida waxbarashada sare, ayna u soo saarto aqoonyahanno ka shaqeeya horumarinta mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed.

Xasan Cali Khayre ayaa ballan qaaday in dowladdu ay gacan weyn ka geysaneyso dhammeystirka dhismaha jaamacadda qeybteeda Caadbuudwaaq oo ah qaybta kaliya ee Jaamcaddu ku leedahay meel bannaanka ka ah caasimadda dalka.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip