Sarkaal ka tirsan ciidanka Booliiska oo lagu dhaawacay qarax loogu xiray gaarigiisa magaalada Muqdisho

0
Monday September 09, 2019 - 16:42:51 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal ka tirsan ciidanka Booliiska oo lagu dhaawacay qarax loogu xiray gaarigiisa magaalada Muqdisho

    General ka tirsan ciidamada Booliiska dowladda Soomaaliya ayaa lagu waramayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

General ka tirsan ciidamada Booliiska dowladda Soomaaliya ayaa lagu waramayaa

 in uu ku dhaawacmay qarax loogu xiray gaarigisa meel aan ka fogeyn dekedda magaalada Muqdisho.

 

 

 

Wararku waxaa ay sheegayaan in gaariga qarxay oo nuuciisu ahaa Surf uu watay General -ka oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Cabdulle Dhoorre kaasoo ku dhaawcmay qaraxa.

 

Ciidamo ka tirsan booliiska Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxa ayna ciidanka goobtaasi ka qaadeen dhaawaca sargaalka iyo askari la sheegay in isna ilaalo u ahaa sargaalka dhaawacmay.

Booliiska ayaa sidoo kale wada baaritaano ku aadan qaraxan goordhaw haleelay gaariga sargaalka booliiska, mana jiro wali wax war ah booliiska kasoo saareen qaraxan goordhaw dhacay.

Qarax-yada gaadiidka hoosta looga xiro ayaa inta badan dhimasho ama dhaawac culus waxa ay kasoo gaaraan dadka wada gaadiidka lagu xiro qaraxyadaasi oo mudooyinkii dambe ku soo badanayay Muqdisho.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip