Hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliya oo beenisay in xayiraad dheeraad ah ku soo rogtay duulimaadyadii Kismaayo

0
Tuesday September 24, 2019 - 17:37:56 in
  • Visits: 13
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliya oo beenisay in xayiraad dheeraad ah ku soo rogtay duulimaadyadii Kismaayo

    saraakiisha Hay'adda Duulista Rayidka ayaa Hiiraan Online u xajiiyay in uu been abuur

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

saraakiisha Hay'adda Duulista Rayidka ayaa Hiiraan Online u xajiiyay in uu been abuur
yahay qoraalo Warbaahinta lagu shaaciyey oo sheegayey in Garoonka magaalada Kismayo ilaa 26ka bshan laga mamnuucay duulimaadyadii tagayay.

 

 

Saraakiisha hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa sheegay in wararkaas yahay mid been abuur ah oo aysan ogeyn halka laga soo xigtay, islamarkaana diyaaraduhu aadi karaan magaalada Kismayo sida ku cad qoraalka ay duuliyayaasha isku fahmaan ee loo yaqaano NOTAM (Notices to Airman) kaas sheegay in ay dayuuradaha u duuliya magaalada Kismayo soo codsadaan 24 saac ka hor duulimaadkooda.

 

Wararka ayaa waxaa ay intaa ku darayaan in ay hay’adda duulista Raydka ah ay siisay ruqsado dhowr dayaaradood oo sharuudaas buuxiyey.

Dhinaca kale saraakiisha hay'adda Duulista Rayidka ayaa Hiiraan Online u sheegay in uusan jirin is hortaag lagu sameeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo qorshihiisu ahaa in uu tago magaalada Kismaayo, laakiin taa badalkeeda diyaarada uu raaci lahaa Shariif Sheekh Axmed aysan soo buuxin sharuudihii laga rabay ee ah in 24saac ka hor soo gudbiso codsigeeda duulimaadka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip