Kenyatta '' Wali waxaan ku taagnnahay in dariiq wadahadal lagu dhameeyo muranka Badda ee nagala dhaxeeya Soomaaliya

0
Thursday September 26, 2019 - 18:13:50 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenyatta '' Wali waxaan ku taagnnahay in dariiq wadahadal lagu dhameeyo muranka Badda ee nagala dhaxeeya Soomaaliya

    Madaxweynaha dowladda Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in wali dowladda Kenya ku taagan tahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dowladda Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in wali dowladda Kenya ku taagan tahay

in hab wada hadal lagu dhameeyo muranka Badda ee kala dhaxeeya dalka Soomaaliya.

 

 

Kenyatta oo khudbad ka hor jeedinayay kulanka meertada 74aad ee Golaha Guud ee Qarramada Midoobay ayaa hadalkan sheegay maalin uu kaddib kulan uu New York kula qaatay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay ka wada hadlleen arrimo dhowr ah oo quseeya xiriirka Diblomaasiyadeed ee labada dowladdood.

 

Wuxuu sheegay in dowladdiisu sii waddi doonto dadaallada ku saabsan in dhiggooda Soomaaliya ku riixaan in xal wada hadal lagu dhameeyo muranka Badda ee ka dhaxeeya kaa oo hadda hor yaala maxkamadda Cadaallada ICJ.

Wuxuu sheegay in Qarramada Midoobey ahmiyad gaar ah siineyso in dariiqa wada hadalku yahay hannaanka ugu wanaagsan ee lagu xalliyo murannada,

"Sida aan ognahay, Qaramada Midoobay waxay ahmiyad siineysaa in dariiqa wada hadalku yahay hannaanka ugu wanaagsan ee lagu xalliyo murannada, Sidoo kale heshiiskii shuruucda badda ee Qaramada Midoobay wuxuu tilmaamayaa xadeynta xudduud badeedda ee u dhaxeeya waddamada si saaxiibtinnimo ah”ayuu yiri Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Uhuru Kenyatta ayaa sidoo kale sheegy in ay soo dhaweynayaan dhankooda dalabkii ka soo baxay Golaha Amaanka Midowga Africa ahaa in wada hadal laga galo khilaafka Xudduud Badeedka u dhaxeeya labada dowladdood Kenya iyo Soomaaliya.

 

Madaxweynaha Masar ayaa soo qaban qaabiyay kulan uu isugu keenay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo is afgarad ka dhex dhaliyay labada dhinac oo tan iyo bishii March ee sanadkan aanay is arkin, islamarkaana xiriirka Soomaaliya iyo Kenya uu ahaa mid xumaaday.

Laakiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo VOA la hadlay ayaa sheegay in marnaba madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo la soo qaadin dhiggiisa Kenya wada hadal quseeya Badda.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la filayo in uu lafirkiisa maanta khudbad ka hor jeediyo shirka Golaha Guud ee Qarramada Midoobey ayaa isha lagu wada hayaa sida uu soo hadal qaadayo khilaafka kala dhaxeeya Kenya iyo aragtida Soomaaliya ee ku aadan habka loo wajahayo kiiska ku saabsan muranka Badda.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip