Wasiir Cawad oo faah faahin ka bixiyay wada-hadalkii madaxweyne Farmaajo uu la yeeshay dhiggiisa Kenya

0
Thursday September 26, 2019 - 18:17:10 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Cawad oo faah faahin ka bixiyay wada-hadalkii madaxweyne Farmaajo uu la yeeshay dhiggiisa Kenya

    Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa faah faahin dheeraad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa faah faahin dheeraad

ah ka bixiyay kulan magaalada New York ku dhaxmaray madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya.

 

 

Kulanka oo uu dhaxdhaxaadinayay madaxweynaha dalka Masar islamarkaana ah guddoomiyaha midowga Africa ee xiligan Cabdifataax Al-Siisi, ayaa qodobadii ka soo baxay waxaa ka mid ahaa wada-hadal lagu dhameeyo khilaafka diblomaasiyadeed ee labada dal, taasoo dad badan u fasirteen in dowladda Soomaaliya aqbashay in laga wada -hadalo muranka Badda ee labada dowladood u dhaxeeya.

 

Balse Wasiir Cawad oo la hadlay Idaacada VOA ayaa sheegay in marnaba kulankaasi leyskula soo qaadin qadiyada ku saabsan Badda dowladda Soomaaliya -na ka cudurdaaratay ka hadalka arinkan ka hor inta uusan kulanku bilaaban.

''Madaxweye Farmaaajo kulanka ka hor ayuu u sii sheegay madaxweynaha dalka Masar oo kulanka dhaxdhaxaadinayay in aan marnaba laga wada hadli karin qadiyada ku saabsan Badda loona daayo go'aan ka gaaristeeda Maxkamadda ICJ oo ay hadda dacwaddu hortaalo, ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in markii horeba kulankani uu ahaa mid ay Kenya dalabatay oo aan ka iman dhinaca Soomaaliya'' Dabcan madaxweynaha Masar ayaa nagu soo war-galiyay in madaxda Kenya ee ku sugan shirka doonayaan in ay nala hadlaan., sidaa ayuuna ku aqblay madaxweyne Farmaajo madaama aysan waxba ku jabneyn in la wada hadlo''

 

Guddi labada dhinaca ah ayuu sheegay in lagu balamay in la sameeyo, kuwaas oo ka shaqeyn doona deris wanaaga iyo xiriir wanaaga,isla markaana ay ka Sahqeyn doonaan sidii dib loogu soo celin lahaa xiriirkii ka dhaxeeyay labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip